WorldRemitAds

Wax dalka Maraykanka lagu kala iibsaday, quful sababay ceebtii siyaasadeed ee ugu waynayd dalka Maraykanka, kaas oo ka mid noqday alaabooyinkii ugu saamaynta iyo hadal haynta badnaa qarnigii tagay, meel wayna ka galay taariikhda dunida, gaar ahaan marka laga hadlayo dhawrsanaanta xuquuqda gaarka ah ee mucaaridka, kaas oo fure u noqday dhawrsanaanta Dimuqraadiyada dunida iyo dalka Maraykanka.

Qufulkan oo ahaa kii ku xidhnaa albaabkii danbe ee xarunta xisbiga Dumuqraadiga dalka Maraykanka, kaas oo koox tuug ah oo ka tirsan xisbiga Jamhuurigu ay jabiyeen una dhaceen xaruntaas ee ay ka gaysteen wixii fadeexada ku noqday ugu danbayntiina sababay inuu is casilo masuulkoodi ugu sareeyay ee ahaa madaxweynaha dalka Maraykanka Richard Nixon.

Qufulkan ayaa la kala siistay 62-kun iyo shan boqol oo dollarka Maraykanka ah, waa quful iska caadi ah oo aan waxba ka waynayn qufulada caadiyan dunida oo dhan laga isticmaalo, ama albaab kasta lagu xidho, miisaanka qufulkan ayaa lagu qiyaasay (1.8 kilograms).

SomlegalAds

Laakiin dhinaca saamayntiisi uu dunida ku yeeshay iyo fadeexadii uu sababay marka laga hadlay kumanaan kilo uu ka culus yahay.

Qufulkani waxa uu ahaa kii ceebtii Watergate ee ahayd fadeexad siyaasadeedi ugu xumayd Maraykanku sababtiisa ka dhacday, ee markii la jabiyay noqday fadeexad siyaasadeed oo muddo warkeedu dunida hadheeyay isla markaana ceebtii ka dhalatay gil gishay xisbiga Jamhuuriga ee dalka Maraykanka.

Markii iibka qufulkani dhacay ayay gabadha ugu saraysa xarunta lagu kala iibsaday oo lagu magacaabo, Nate Sanders ay sheegtay in qufulkii sababay fadeexadii 1972-kii gil gishay dalka Maraykanka ee loogu magaca daray, Watergate oo ceebtii ka dhalatay sababtay inuu xilka ka dego, Madaxweynihii Maraykanka ee xiligaas Richard Nixon lagu kala iibsaday lacag dhan 62-kun iyo shan boqol oo Dollarka Maraykanka ah.

Qufulkan ku xidhnaa albaabka dhismaha Watergate loogu yeedho ee xarunta guud u ah xisbiga Dumuqraadiga dalka Maraykanku, waxa uu noqday mid taariikhda gala, ficilkii lagu jabiyayna sababay in madaxweyne Maraykan oo la soo doortay ku waayo xilkiisi, istiqaaladiisana dhiibto.

Muu ahayn mid la ilaaway, oo la mid noqday qufulo tiro badan oo tuug u dhacay guri ay xadayaan ama kuwo furayaashooda la waayay oo la jabiyay, balse wuxuu noqday mid la tuuri waayay oo la xafiday muddo nus qarni ku dhowna lala sugayay in la soo bandhigo oo mar uun warkiisu ku soo noqdo warbaahinta iyo rayul caamka guud ee Maraykanka.

Qufulkan oo aan waxba ka duwaynayn qufulada kale ee caalamka laga isticmaalo ama lagu xidho albaabada caadiga ah, waxa saamaynta ugu wayn u yeelay, tuugtii ka socotay xisbiga Jamhuuriga ee habeen badhka u jabiyay si ay sirta xisbiga dhigooda ah ee Dumuqraadiga u ogaadaan, waxaanu sababay in madaxweynihii Jamhuurigu isu casilo oo uu noqday qofka ugu sareeya ee ceebta siyaasadeed ee ka dhalatay galaafato.

Qufulkan ayaa sidoo kale kor u qaaday dhawrsanaanta dumuqraadiyada iyo goobaha xarumaha xisbiyada siyaasadeed ee dalka Maraykanka iyo dunida oo dhan, waana ka furaha u noqday in xitaa waddamada kali taliyayaashu ka taliyaan aanay ciidamadoodu ku dhicin inay jabin karaan xarumaha xafiisyada u ah xisbiyada siyaasada.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.