WorldRemitAds

Dawladda Ruushka ayaa dumisay oo dhulka la sintay dhismihii telefishan ee ugu dheera aduunka oo lagu magacaabi jiray “Yekaterinburg TV Tower” oo ku yaalay magaalada Ekaterinburg ee dalkaas, kaas oo la dhisay wakhtigii midowgii Soofiyeeti ee burburay ka talin jiray dalkaa.

Dhismahan oo la bilaabay sanadkii 1980-kii, ayaa dherarkiisu ahaa 220-Mitir oo u dhiganta (720ft), waxaanu dhismaha Taawarka Telefishan ee ugu dheer dunidu ahaa mid midowgii Soofiyeeti ee burburay ku doonayay inuu awoodiisa ku soo bandhigo, kana mid noqdo dhismayaasha ugu layaabka badan dunida.

SomlegalAds

Hasa yeeshee Midowgii Soofiyeeti ayaa burburay sanadkii 1991-kii, isaga oo aan dhismahaasi dhamaan, ka dibna waxa uu noqday mid laga guuray oo lama degaan ah, muddo sodon sano ku dhowna ahaa mid cidlo ah oo aan wax shaqo iyo hawl qaran ah aan lagu qaban.

Dawladda Ruushka ayaa go’aansatay in dhismahaasi la burburiyo oo meesha laga saaro, sababtoo ah waxa ku dhacay dayac badan iyo qabyo isugu biirtay, waxaanu noqday mid aan wax faa’iido ah u lahayn danaha qaranka ee dalkaa.

Waxaanay baabiinta iyo duminta dhismahani ku soo beegmaysa todobaadyo ka hor intaanay bilaabmin tartamada ciyaaraha kubada cagta ee koobka aduunka 2018-ka oo lagu qabanayo dalka Ruushka, waxaanay magaalada Dhismahan la dumiyay ka mid tahay kuwa ay ku yaalaan garoomada ciyaaraha koobka aduunka ee sanadkan lagu qaban doono.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.