WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland December 18, 2016 (Saxafi) – Wasiirkii hore ee wasaarada biyaha Somaliland ayaa xilka ku wareejiyey wasiirka cusub ee dhowaan madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland xilka usoo magacaabay.

Munaasibad xil wareejinta oo lagu qabtay xarunta wasaarada Biyaha ee magalada Hargeysa,ayaa waxa ka soo qaybgallay Wasiirkii hore ee wasaarada Biyaha Somaliland Baashe Cali Jaamac oo khudbad ka jeediyey munasibada xaflada xil-wareejinta , waxaanu ka warbixiyey mudaddii uu xilka hayey wixii u qabsoomay iyo wixii aanu qabsoomin.

Wasiirkii hore ee Biyaha Baashe Cali Jaamac oo wixii u qabsoomay ka hadlaya waxa uu yidhi “Waxa aan u mahadanaqaya shaqaalaha wasaarada iyo madaxda sare ee wasaaradda oo aan isleeyahay markii la qiimeeyey wasaaradaha qaranka in ay yihiin kuwii ugu aqoonta badan dalka, kooxda (team-ka) wasaarada oo wax khalad ah la iga sheegayo kolay waa koox (team) aad iyo aad isugu xidhan. Wasaaradu waa wasaarada lafdhabarta nolosha oo waa biyaha runtiina miisaaniyadeedu aad buu u yar yahay,balse kor baanu uqaadnay markii hay’adaha aanu ku nidhi wax na siiya waxa nagu yidhaahdeen wasaaradan miisaaniyadeedu tahay $500,000 kun oo dollar (shan boqol oo kun oo dollar) maxanu siina, marka in miisaaniyadeeda la kordhiyo sanadkan waanu dhignay wasiirka cusubna waxa aanu leenahay hawsheeda halka ka sii qaad”

SomlegalAds

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Waatii la yidhi bari buu geeyey wax walba marka hadaan in yar idiinka ka iftiimiiyo oo halkan kama wada sheegi karo, hadaan tuusaale ka soo qaato Borama iyo Ceerigabo labadaas meelood hadaan ku bilaabo waxa aan sheegi kara wax badan ayaanu ka qabanay, matelan gobolka Maroodi Jeex. Maroodi jeex oo kale waxa aanu ka qabanay ama ceelal ka qodnay ama ceelal ka dayac tirnay ama ceelal nidaam gelinay matelan Qotol, Baliga case, banderwanaag, geed-balaadh, kal-qori, kal-qori 2, arabsiyo, dacar buduq, ceel bardaale, gumburuha, abaarso, darasalaam, cadaadlay, xumbowayne, dhabooloq iyo ceel barde.

Hadaan soo qaadano gobolka Sanaag soo qaato waxa aanu wax ka qabanay laan-qiriyaa 2, badhan, ceerigaabo, yuurbi, hadaaftimo, xiin-galool, ceel afwayne, bohol, ceel borcaame, xuluul, jidaali, gudmo biyo case, Gar-adag, fadhi-gaab iyo laas qorey marka wad ka qiyaas qaadan karta inaynu meel walba wax mudadii gaabnayd ka qabanay. Lakiin, siyaasada dowlada ayaa waxa ay tahay in Bari ka dambeeyo gobolada galbeedka, marka waxa waajib ah cidda dambaysa in wax loo qabto, way jiraan ceelal faro badan ceelasha laan dheer oo bari wax laga qabtay, waxa kale oo inoo qorshaysan laba ama saddex mashruuc ka soo qaato mashruuca African development Bank iyo African water facility ay inaga maal gelinayaan oo nasiib u yeeshay bishan soo socota oo loo balansan yahay marka fasaxa kiristamaska ah laga soo noqdo oo wa $11 million oo dollar.”

Waxa uu intaas ku sii daray “Anigu intii dulmaan ayaan caawiyaa oo bari ba dulmanaa wasirka cusubna waxa aan ka rajeynayaa inuu halka ka sii wado oo uu ka sii laban laabo. Mid kale way jirtaa deegaanka Awdal, Maroodi Jeex iyo Saaxil dadku waa 16% (boqolkii lix iyo toban) marka degeaankayaga loo eego waa lix toban oo barakaysan ee nagala xukumo. Laakiin, 3da gobol ee shishe waa 84% (boqolkiiba sideetan iyo afar) dhulkii marka raga habeena dhaafin, waa in aad soo aragtaan dhulka ayaan jeclan lahaa.”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.