WorldRemitAds
Samsam Cabdi Aadan, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, waxay muujisay karti aad u ballaadhan, waxaanay horumar ka samaysay wasaaradihii ay isaga kala dambaysay, waxa ay horumar ballaadhan ka soo samaysay wasaaradda waxbarashada oo muddo 4 sanno iyo dheeri ah gacanta ku haysay, waxa wasiirku ahaa wasiirka kaliya ee safarkii Madaxweynaha ee Hilaac lagu ammaanay meel kasta oo ay gaadhaan weftigu.

Wasiir Samsam, waxa ay hirgalisay in macalimiinta la diiwaangaliyo oo gunnooyin wanaagsan la siiyo, waxa ay kor u qaatay tayadii dugsiyada dowladda, waxa ay bilaash ka dhigtay waxbarashada Dugsiyada Hoose/Dhexe, taas oo culays badan ka riday waalidiinta Somaliland.
Samsam Cabdi Aadan, wasiirka Maaliyadda SomalilandWasiir Samsam, waa wasiir u roon dadka danyarta ah, waa wasiir aan daalin oo soo jeed u hurta howsha qaranka ee ay hayso, waxa ay ahayd wasiir ku dhiiratay kala haadinta macalimiinta, iyada oo mar walba kormeer ku soo mari jirtay goobaha waxbarashada ee dalka guud ahaantii.
Wasiir Samsam iyada oo laga dheragsanyahay horumarka ballaadhan ee ay ka samaysay Wasaaradda Waxbarashada iyo guulihii ay gaadhsiisay, ayaa haddana Madaxweynuhu waxa uu u gartay in uu u wareejiyo wasaaradda Maaliyadda Somaliland, waxa ay noqotay wasiirkii ugu horreeyey ee haweenay ah ee xil ka qabata wasaaradda Maaliyadda.
Marwo Samsam, waxa ay dhexda u xidhatay in wasaaradda dhaqaalaheeda ay kor u qaado, iyada oo wax lacag dhigaal ah looga tegin, ayey ku guulaysatay in miisaaniyad ka badan tii hore ay xidho, iyada oo samaysay odoros cusub oo hore Somaliland u gaadhin, taas oo ah 300 Million in 2016 Miisaaniyadda qaranku noqoto.
Waxa kale oo ay hagaajisay nidaamkii wasaaradda Maaliyadda, iyada oo koox adag na heshay, taas oo la odhan karo waa waxa guusha keenay.
Wasiirka Maaliyaddu waxa ay ku tallo jirtaa in nidaamka cashuur ururrintu uu noqdo mid casri ah oo horteed aan dalka laga isticmaalin, nidaamkaas oo si dhibyar loogu ururrin karo lacagaha baaqda ee cashuurta, iyada oo nidaamka sugnaanta cashuurta ay qayb ka noqonayso.
Sidaas darteed, Marwo Samsam Cabdi Aadan, Wasiirka Maaliyadda Somaliland, waxa lagu qiimayn karaa ama lagu misaali karaa inay tahay waslad dahab ah oo qarankani leeyahay.
Sidaas oo ay tahay Marwo Samsam Cabdi Aadan, waxa kale oo laga rajaynayaa in ay qarankeeda u sii shaqayso si horumar ballaadhan qarankani ugu tallaabasado.
Waxa kale oo aanan ka tegay oo ay tahay inaan xuso in wasaaradda Maaliyadda ee ay wasiirka u tahay Marwo Samsam ay sidoo kale kala qayb-galaan Maxamed Faarax ducaale oo ah wasiir dowladaha Maaliyadda, Maxamed Xasan oo ah isna ah Agaasimaha Guud ee Wasaaraddan, iyo rag badan oo kale bulshadu ogsoon tahay doorkooda waxqabad ee ay la garab-taagan yihiin sidii ay u xoojin lahaayeen dedaalka lagu kobcinayo wasaaraddan Maaliyadda oo hal-bowle u ah jiritaanka iyo horumarka qarankan aan dunida aqoonsiga ka haysan ee Somaliland.
Cawad Shiine Diiriye, Hargeysa-Somaliland
Mobile: 4429083

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.