WorldRemitAds

Qalinka: Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray)

Dab haduu wax tarayana
Dogobyaa la saaraa
Deegaanka nabadiyo
Haduu degelka gubayana 
Dambas lagu hagoogyaa
Doox lagu faruuryaa
In la demiyo weeyaan
Marka aynu dib ugu noqon taariikhda shirarkii reeraha ee ka dhacay Somaliland tiro ahaan lama koobi karo. Welina lama hayo reer shiray oo go’aankoodu noqday xumaan ay isku soo raaceen. Hadii ay jiraan kuwo si gaar ah farta loogu godi karo waxay noqon karaa xilyadii adkaa ee dagaalada sokeeye dawladnimaduna ay bilawga ahayd xataa Ciidamo amni qaranba aanay jirin. Intii ka dambaysay 1997kii intii shirar ay reero qabsadeen waxa ka soo baxaa waxad moodaysay in aanay waxba ku kala duwanayn. Xataa dhinaca siyaasadda ma jiro shir reer oo talo ay ka midaysan yihiin reerku ka soo saara ama ha sheegaan ama ha qarsadaan eh marka laga reebo Shirkii Garadag iyo ardaayo Musharax Baarlaman ama Gole Degaan isku soo raaca oo ku kala reeba shir doceed ay yeesheen.

Imika Shirkan Baxrasaafka xukuumaddu si adag ayay uga hortimi ilaa heer ay diiday in la qabto. Sheekada suuqa waxa loo fahmay ama loo fasiray reeraha kale waa la ogol yahay inay shiraan lakiin Ciise Muuse dawladdu uma ogola inay shiraan. Taas ayaad moodaa inay xamaasad dheeraad ah iyo ficil sii kordhisay sua’aashu waa waayo? Jawaabtu ma adka oo waxaynu ku soo duuduubi karnaa XAALADDA BERBERA ee kacsan. Weliba in kasta oo arimo kale ay jiraan waxa ugu wayn arinka Mashruuca Dekedda Berbera ee DP World oo aynu ognahay ugu dambaysta in go’aankeeda aan reer yeelan karin ee dawladdu leedahay iyada oo inta badan shacbiga iyo gaar ahaan dadka degaankaba ay tahay inay fahamaan ama la fahamsiiyo ahmiyadda Mashruucan u leeyahay Somaliland si shakigu meesha uga baxo.

SomlegalAds

Marka aynu sidaa ognahay hadii uu qabsoomo Shirka Baxrasaafku go’aan arinka Mashruuca Dekedda ku saabsan oo reerka oo dhami isku raaci karaan taageero iyo diidmaba kama soo bixi karo waayo dee reerku waa sida reeraha uun waxay xaq u leeyihiin iyo waxa aanay xaqa u lahayn hadii aanay wada garanayn in badan oo garanaysa ayaa jirta. Midda kale ma jiraan dhinaca siyaasadda iyo danaha gaarka ah reer kuligood ka midaysan ee waxay leeyihiin muxaafid iyo mucaaridba. Hadii ay dhac cid isku dayda inay teeda gaarka marsato markaana Go’aanka Shirku ma noqon karo mid keliya ee waxa dhici karta in laba go’aan laga soo kala saaro.

Sidaa daraadeed anigu si ay xeegana xeego u noqoto ilkana u nabad galaan Xukuumadda waxan kula talin lahaa u ogolaada reerka yidhi waanu shiraynaa shaqadiinana dee qabsada idinka ayaaba dawlad ahe.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.