WorldRemitAds

Paris, France, August 1, 2016 (Saxafi) – Faransiiska ayaa heegan geliyay ciidamadiisa ammaanka, iyadoo la dalbay ciidamo dheeraad ah oo ka qeyb qaata howl galada, marka ay soo kordhaan xaalado.

Ciidamo hubeysan ayaa lagu arkay xeebaha loo dalxiis tago ee Koofurta Faransiiska, iyadoo ciidamadan ay gaaf-wareegaan xeebaha iyo agagaarkooda.

Madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande ayaa sheegay in dalkiisu uu ku jiro dagaal, waxaana uu sheegay inay ka guuleysanayaan argagixisada.

SomlegalAds

Tan iyo wixii ka dambeeyay weerarkii Nice ee lagu dilay 84 ruux oo la jiidh-siiyay gaadhi xamuul ah iyo dilkii maalin ka hor wadaad baadari ah loo geystay, waxaa sare loo qaaday amniga goobaha cibaadada iyo meelaha dadka ku badan yihiin.

Faransiiska ayaa ka feejigan weeraro dheeraad ah oo Kooxda IS la beegsado dalkaas, iyadoo sanadkan iyo kii hore weeraro dad badan ku dhinteen ay ka dhaceen, kaasoo ay sheegatay kooxda IS.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.