WorldRemitAds

Muqdisho, Somalia, August 01, 2016 (Saxafi) — Ugu yaraan 15 ruux oo ay ku jiraan Kooxihii weerarkan ka dambeeyay ayaa ku geeriyooday Weerarro is-miidaamin iyo toos ah oo xoogag ka tirsan Al-shabaab ay shalay ku qaadeen xarunta CID-da ee Muqdisho, iyadoo ay ku dhaawacmeen in ka badan 20-qof.

Dadka Geeriyoooday ayaa waxaa ku jira shan qof oo la sheegay inay doonayeen in ay gudaha u galaan xaruntaas, balse la toogtay intii aanay gaadhin dhismaha xarunta CID-da oo ku dhaw isgoyska Lamabar Afar ee Muqdisho.

Mas’uuliyiin ka tirsan Dawladda Somaliya ayaa gaadhay goobta, in kastoo aanu ahayn mid buuran khasaaraha burburka ah ee xarunta soo gaadhay, waxaana mid ka mid ah kooxaha weerarka qaaday lagu dilay illinka hore ee xarunta.

SomlegalAds

Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan isugu jiray qaraxyo iyo kuwa tooska ah, waxaana afhayeenka hawl-gallada ee Al-shabaab. Cabdicasiis Abuu-Muscab uu sheegay inay beegsanayeen saraakiil Somali iyo Ajnabi ah.

Dhawaan ayay ahayd markii Muqdisho ay soo gaadheen saraakiil sare oo ka socday booliiska gobolka Minnesota, kuwaasoo sheegay inay tababarro siin doonaan ciidamada booliiska Somalia, gaar ahaan sida dambiyada loo baadho.

Qaraxyadan oo ahaa kuwo culus ayaa waxay dhaceen xilli shaqooyinka ay si caadi ah uga socdeen agagaarka goobaha ku dhaw xarunta, waxaana dadka ku dhintay ka mid ahaa dadka shacab ah oo goobta marayay.

Lix Mooto oo ah kuwa loo yaqaanno Bajaajta oo meesha marayay ayaa waxaa ka soo gaadhay khasaare xooggan qaraxyadan, waxaana rakaabkii la socday qaarkood soo gaadhay Dhaawacyo Culus.Waxaana mas’uuliyiinta dowladda Somalia ay sheegeen in Qaraxan ay hore uga heleen warbixin, laakiinse uu si lama filaan ah ku dhacay.

Sidoo kale, Isbitaallada Muqdisho ayaa waxaa la dhigay dhaawacyada in ka badan 20-qof, kuwaasoo dhammaantood ahaa shacab, waxaana laba ka mid ah ay ku dhinteen Cusbitaalka Madiina.

Ugu dambeyn, Weerarkan ayaa wuxuu imanayaa iyadoo dhawaan mudane hore uga tirsanaa iyo wiil kale ay fuliyeen qaraxyo aad u culus oo agagaarka garoonka diyaaradaha Muqdisho ka dhacay, kuwaasoo ay ku dhinteen 15-qof, ayna ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.