WorldRemitAds
Maalmo yar ka dib markii laanta jimciyada qurumaha ka dhaxaysa u qaabilsan caafimaadka ee WHO ay soo saartay daraasad caafimaad oo daaha ka rogaysa in telefoonka gacanta lagu qaato ee (Mobile)-ku uu sababo xanuunka kansarka gaar ahaan qaybtiisa maskaxda ku dhacda, ayaa kooxaha Khabiirada Caafimaadka kala taliya shirkadaha telefoonada gacanta iyo aaladaha kale ee Elegtarooniga sameeya dhexda ka qabsadeen warbixintii Hay’ada Qaramada Midoobay caafimaadka aduunka u qaabilsan ee (WHO).

Waxaanay khubaradan caafimaad oo sheegtay inay dunida oo dhan matalaan ay dedaafeeyeen warbixintaas, waxaanay sheegeen in baadhitaano badan oo lagu sameeyay dhamaantood cadaynayaan inaanu telefoonka gacanta ee Mobile-ku halis ku ahayn aadamiga iyo caafimaadkiisa guud ahaan.
Warbixinta hayada caafimaadka aduunku ka diyaarisay dhibaatada telefoonada gacanta, ayaa laga diyaariyay baadhitaano lagu sameeyay Dad tiradoodu dhan tahay 2708 qof, kuwaas oo ku kala nool meelo kala duwan oo dunida.
Waxa dadkaa sadexda kun ee qof ku dhow, baadhistooda gashay waaxda cudurada maskaxda iyo kansarka dhimirka ku dhaca u qaabilsan hay’ada caafimaadka aduunka, waxaana lagu ogaaday in Mobile-ku dhalin karo kansarka maskaxda ku dhaca.
Warbixinta hay’ada qaramada midoobay caafimaadka dunida u qaabilsan ee (WHO) ka diyaarisay, Mobile-ka, oo si cad u cadaysay inuu sababo kansarka Maskaxda ayaa la joojiyay in la daabaco oo dunida loo soo bandhigo, si kama danbays ahna daboolka loo saaray.
Waxaana taa badalkeedi la baahiyay dooda dhakhaatiirta iyo xeel dheerayaasha caafimaadka dunida, kuwaas oo ilaa dhawr iyo toban dhakhtar soo saareen lana sheegay inay tahay xaqiiqada dhabbta ah ee telefoonka gacanta.
Khabiirada caafimaad ee badalay warbixintii hayada caafimaadka aduunka oo tiradoodu 17-dhakhtar ka kooban tahay ayaa sheegay in khubarada caafimaadka dunida iyo xeel dheerayaasha ku takhakhusay xanuunada maskaxda ku dhaca Kansarka cadaynayaan in baadhitaan kasta oo qaybaha maskaxda lagu sameeyay ay ku ogaadeen in xanuunka Kansarka iyo telefoonka gacantu aanay xidhiidh yeelan karin, wax xanuun ahna aanu sabab u noqon karin.
Is burintan warbixinahan ayay dad badani walaac ka muujiyeen, waana markii ugu horaysay ee WHO iyo khubarada caafimaadku isku qabsadaan arrin la xidhiidha caafimaadka aadamaha. Isku soo wada duubo waxaa loo malaynayaa in talaabada khubarada ay ka danbayso arrin ganacsi maadama oo moobilada dunida lagu isticmaala xiligan marayaan halkii ugu saraysay tiradoodu aad u badanayso.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.