Xariirad, Somaliland, February 11, 2016 (Saxafi) – Wefti ay hogaaminaysay Marwo Nimco Cali Amarkaak (Nimco Cali-Guray) oo madax ka ah samafalayaal is abaabulay ayaa waxay xadhiga ka jareen Kayd Biyood laga dhisay magaaladda Xariirad. Sidoo kalena waxay dib-u-habeyn ku sameeyeen Dugsiga Sare Ee Aadan Bille Secondary School, oo ay Jiingada ka qaaday Dabeylo xoogan.
Deeqdan oo kala ahayd Kay-biyoodka iyo dayactirka iskuulka sare ee Aden Bille Secondary School, ayaa Munaasibado is-barkan loo sameeyay, waxaana ka qeybgaley Nimco Cali Gurey oo hogaaminaysay Weftigan isu xilqaamay samafalka, Idil Cali Gurey, Layla Xasan Raajis, Jawhar Macalin Aareye, Guddoomiyaha Maxkada Degmada Xariirad Xuseen Barkhad, Caaqil Cali Fure, Caaqil Ibraahim Af-yuub, Xildhibaano, Haween, Dhalinyaro iyo mari-sharaf kale oo tiro baddan.
Nimco Cali Gurey oo halkaasi ka hadashay ayaa waxay tidhi “Kayd-biyoodkan aan maanta xadhiga ka jaray waxa Dadweynaha reer Xariirad u sameeyey Madaxweyne Ismaaciil Cumar Gelle, ILAAHAY ha ka ji’saa’i siiye. Waxa uu gartay inuu u damqado dadkiisa ku nool deegaanka Xariirad, waxa uu ka damqaday Biyo la’aanta haysata iyo gurmad la’aantooda, kadib waxa uu u sameeyey Keyd-biyoodkan oo qaadaya 250 Foosto oo biyo ah. ”

Sidoo Kale, Nimco Cali Gurey waxay Xadhiga ka jartay Dugsiga Sare Aden Bille Secondary School oo jiingada iyo dib u habeyn lagu sameeyey, waxaanay tidhi “Maanta farxad ayay inoo tahay reer Xariiradoow, maadama dib loo furey Dugsiga Sare ee Aden Bille Secondary Iskuul, kadib markii Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu Jiingadii u saarey Dugsiga oo ay ka qaaday Dabeylo xoogani, intaas oo dhan dhalinyaradu bilaa iskuul ayay ahaayeen. Madaxweyne Ismaacil Cumar Geelle waxaan leeyahay dadweynaha reer Xariirad waxaan kaaga sidaa Hambalyo iyo Duco ay ku soo duceynayaan”.

Xildhibaan Aadan Cabdilaahi Boodhle oo ka tirsan Golaha Deegaanka Saylac oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Waxaynu maanta xadhiga ka jaraynaa Kayd-biyoodkan ay noo sameysay Jamhuuriyadda Jabuuti, maaha waxqabadkii kowaad ee ay noo sameysay. Kayd-biyoodkan waxa loo sameeyey dadweynaha ku nool degmada Xariirad, oo waxaan filayaa inay dadku kaga haqab beeli doonaan biyo la’aantii haysatay” “Waxaan u mahad-celinaynaa dadweynaha reer Jabuuti iyo Madaxweynahooga Ismaaciil Cumar Geelle, waxa hore na loo siiyay Gaadhigan Ambulaze-ka, waxa uu jiingad noo saaray Dugsiga Sare Aden Bille Secondary School oo ay dabeyli ka qaaday Jiingadii iyo codsiyo kale oo aan u dirnay oo aan ka sugeyno”. Ayuu yidhi.
Caaqil Cali Wabar, Caaqil Ibraahim Sugad good, Xildhibaan Axmed-Yaasin Muxumed Barkhadle iyo Masuuliyiin kale oo baddan oo halkaasi ka hadlay ayaa waxay si isku mida uga mahad-celiyeen Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Ismaaciil Cumar Gelle dhismaha Kayd-biyoodka uu u sameeyey degmada Xariirad, iyo Jiingada uu u saaray Dugsiga Sare ee Aden Bille Secondary Iskuul, waxaanay ILAAHAY ka baryeen inuu ajar iyo xasanaad ka siiyo deeqahaasi uu u soo mariyay Nimco CALI Gurey, isla markaana waxay si isku mida u Caddeeyeen inay taageero la garab taagan yihiin, mar Afraad iyo Mar Shanaad-ba inuu dib ugu soo noqdo Madaxweynanimada Jabuuti.