WorldRemitAds
Hargeysa, Somaliland, February 11, 2016 (Saxafi) – Maayarka caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko ayaa xafiiskiisa ku qaabiley hay’ad Danish ah oo ka shaqaysa garoomadda lagu ciyaaro, kuwaas oo caasimadda u ballanqaadey inay shan garoon oo casri ah ka hirgalin doonaan caasimadda.

Hay’adda Danish-ka ah ayaa ka shaqaysa waddamo badan oo caalamka, waxaanay inta badan dhistaa garoomada lagu ciyaaro iyo goobaha dhalinyaradu ku kulanto, ee loo indoor games.
Shirkan uu maayarku la galay saraakiisha hay’adan waxa ku wehelinayey Xoghayaha dawlada hoose Axmed Darajo iyo qaar ka mid ah xildhibaanada golaha deegaanka Hargeysa.
Shirkaasi ka dib waxa maayarku warbaahinta uga warbixiyey kulanka hay’adan Danishka, waxaanu yidhi “maanta waxa xafiiska kulan kula qaatay hay’ad Danish ah oo la yidhaahdo GAME oo ka shaqaysa meelaha garoomadda lagu ciyaaro iyo goobaha dhalinyartu iskugu timaado, waxaanay noo ballanqaadeen inay Hargeysa ka dhisayaan shan garoon oo casri ah oo anaguna ka qaybqaadano, waxaana hay’adani ka shaqaysa wadamo badan oo caalamka ah, saldhigeeduna Denmark iyo Lubnaan, oo dhulkii iyo wixii la noogu baahnaa waanu u samaynaynaa, taasina fursad fiican ayey u tahay dhalinyaradda”.
Maayarka Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko ayaa dhalinyarada ugu bushaareeyey inay sanadkan dhalinyaradda xooga saari doonaan, isla markaana garoomo badan oo casri ah iyo goobo lagu nastaba ka hirgalin doonaan caasimadda.
Dhinaca kale, Xoghayaha fulinta dawladda hoose ee Hargeysa Axmed Maxamed Cabdilaahi Darajo ayaa isna shalay kormeer kadis ah ku soo maray xaafadda Jimcaalle oo 145 guri loogu dhisayo qoysas danyar ah iyo qaar ka mid ah degmooyinka magaaladda Hargeysa.
Dhalinyaradda, Maayarka iyo XoghayahaXoghayaha ayaa soo kormeeray dhamaystirka guryahan oo loo dhisayey dadka laga soo rarayo Kaydka biyaha Hargeysa, waxaana dhismaha guryahan iska kaashaday dawlada Jaban iyo dawladdda hoose ee Hargeysa.
Xoghayaha waxa kormeerkiisan ku wehelinayey agaasimaha hawlaha guud iyo xidhiidhka hay’adaha Maxamed Haybe, waxaanu warbixin ka siiyey dhismaha guryahan danyarta loo dhisay.
Agaasimaha waaxda hawlaha guud ee Dawladda Hoose Maxamed Haybe oo sharaxaya guryahan loo dhisay dadka danyarta ah ayaa yidhi “Xoghaye guryahan waxay ka kooban yihiin 145 guri oo lagu talo galay kaydka biyaha Hargeysa, waxaana maalgaliyey dawladda Jabaan, waxaanay soo mariyeen hay’adda UNHABITAT, waxaana iyaguna qayb ka qaatay wasaarada dib u dejinta, wasaaradda shaqadda iyo arrimaha bulshadda, waxaanay ka kooban yihiin saddex makhsin, kijaddii, Suuligii iyo Daarad weyn, waxa kale oo ka dhisan masaajidkii, sariibaddii”
Xoghayaha dawladda hoose Axmed Maxamed Cabdilaahi (Darajo), ayaa isna u mahad celiyey dawladda jabaan ee dhismahan maalgaliyey iyo dadkii kale ee ka qaybqaatay, waxaanu yidhi “aad baan uga mahd celinaya dawlada jabaan ee lacagteeda bixisay iyo hay’ada ay soo dhexmarisayba, waxa loogu talogalay in 145 qoys halkan soo deegaan, qoys waliba wuxuu leeyahay sadex makhsin, suuligii iyo madbakhii iyo daarad wanaagsan oo ay ku nastaan, waxa kale oo ku jira msaajidkii, madarasaddii, MCH, iyo sariibaddii baan ugu mahad celinayaa iyagana wasaradihii ka qayb qaatay hawshan”.
Intaas ka dib waxa uu xoghayuhu kormeer kadis ah ku tagay qaar ka mid ah degmooyinka caasimadda, sida Degmadda Macalin Haaruun, Maxamed Mooge iyo labadda kaantarool ee bariga iyo galbeedka Hargeysa, waxaanu ku ku guubaabiyey inay dardargaliyaan adeegyadda bulshada, isla markaana cashuurta ururinta kor loo qaado.
Axmed Darajo ayaa warbixino ka dhagaystay degmooyinkii uu soo kormeeray, waxaanu sheegay in degmo waliba sida dakhliga usoo saarto iyo siday u shaqayso waxqabadka laga fulinayaana ku salaysan yahay.
“Waxaan saaka ku marayey degmooyinka caasimadda qaarkood, kormeerkuna shaqadda waa qayb ka mid ah, idimaan soo sheegin, waxaana ahayd mid kadis ah oo aan ku ogaanayey degmooyinku siday ku shaqeeyaan, waxaan arkaa shaqooyin fiican inaad qabateen, warbixinta maalintii iyo tii todobaadkiina waanu haynaa, waxaana idin leeyahay dadaalka halkaasi ka sii wadda, waxaynu u wada shaqaynaynaa waa dadkeenii iyo dalkeenii”ayuu yidhi xoghayaha fulinta ee dawlada hoose Axmed Daro oo la dardaarmayey degmooyinkii iyo goobihii dawladda hoose ka shaqayso.
Iyaguna waxa halkaasi ka warbixiyey gudoomiyeyaashii degmadda iyo shaqaalaha dawladda hoose u qaadda cashuuraha, waxaanu xoghayuhu ku amaanay dadaalkaasi ay dakhliga ku soo xaraynayaan.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.