WorldRemitAds

Burco, Somaliland, December 2, 2016, (Saxafi) – Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Togdheer Axmed Maxamed Guutaale  ayaa sheegay in dhowr eedaysane loo qabtay shaqaaqo dhimasho keentay oo doraad ka dhacday tuuladda Gunbur Libaax oo ka tirsan Gobolka Togdheer.

Taliyaha oo warbaahintu wax ka weydiisay arrimahan ayaa xaqiijiyay dhimashada hal nin iyo dhawr qof oo ay dhacdadan u soo qabteen waxaanu yidhi. “Shalay (Doraad) ayay meesha la yidhaahdo Gumbur libaax isku dileen laba beelood oo halkaa wada dega qasaaraha ka dhashay ee dhimashona waa hal qof dadkii kiiskaa loo aanaynayana shan qof oo mid dhaawac yahay ayaanu soo qabanay imikana hawl gal ayaanu ku jirnaa warkaa wixii ka soo kordhana dib ayaanu ka soo sheegi doonaa.” sidaa waxaa yidhi Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Togdheer.

Tuulada Gumbur -libaax ayaa dhanka fuunfur  Bari ka xigta magaalada Burco kana tirsan gobolka Togdheer, waxaana arrintu ka dhalatay muran la xidhiidha dhinaca dhulka, laakiin, hawshaas hadeer ciidamadda amaanka ayaa gacanta ku dhigay. Waxaana xogaha aanu haynaa sheegayaan in aan wax dhibaato ah oo laga baqaa waqtigan jirine meel fiican marayso sidii loo soo afjari lahaa xiisadani.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.