WorldRemitAds
Shirkadda Ringing Bells ee dalka Hindiya oo dhawaan shaacisay inay soo saarayso telefoonka casriga ah ee dunida ugu qiimaha jaban, ayaa war cusub oo ay soo saartay haddana sheegtay in dalabka dadka danaynaya inay telefoonkaas iibsadaan xad dhaaf noqotay, tiradooduna labaatan jeer ka badan tahay intii shirkadu qorshaysay inay sanadkan samayso.

Sida dhawaan wakaaladaha wararku ku warameen shirkadan reer Hindiya ayaa suuq gelin doonta, telefoonkeeda “Freedom 251” kaas oo qiimihiisuna noqon doono afar dollar $4 oo kaliya, taas oo ka dhigaysa telefoonada Smart ah ee dunida ka ugu qiimaha jaban.
Sida uu maareeyaha Shirkada Reer Hindiya ee Ringing Bells warbaahinta u sheegay, qiimo jabnaanta telefoonkan iyo farsamadiisa casriga ah ee loo sameeyay, waxay xad dhaaf ka dhigtay dalabka dadka danaynaya, waxaana durba soo dalbaday konton milyan oo qof.
Maareeyaha ayaa sheegay in shirkadoodu markii hore qorshaysay qiyaas xadi ahaan aad uga yar oo aan ilaa toban milyan oo telefoon gaadhayn, waxaana noo diyaar ah oo imika ay warshadaha shirkadu sameeyeen 2.5 Milyan oo telefoon.
Inkasta oo bushaarada shirkada reer Hindiya ee telefoonka ugu jaban dunida si wayn looga soo dhaweeyay dalka Hindiya iyo meelo badan oo dunida sadexaad ka mid ah, dad badan oo dunida ku noolina sugayaan inay arkaan ama iibsadaan, ayaa haddana waxa durbadiiba hadheeyay muran ku saabsan farsamo ahaan iyo nashqadiisa oo lagu eedeeyay inay shirkada Hindiya ka xaday shirkadii Shiinaha ee dhawaan soo saartay telefoonada “Adcom phone”, kuwaas o qiimahoodu ahaa sodon dollar, laguna tilmaamay telefoonada casriga ah ee Smart-ka kii ugu fiicnaa uguna jabnaa dunida.
In kastoo shirkada reer Hindiya beenisay eedahaas, haddana waxa shakigaas sii rumeeyay, ka dib markii shirkada Ringing Bells ee reer Hindiya shabakadeeda internetka ka saartay muuqaalka telefoonadii hore ay u xayaysiisay, kuna badashay kuwo kale oo waxyar uun muuqaal ahaan ka duwan.
Wasiirka isgaadhsiinta dalka Hindiya ayaa guusha shirkadaa reer Hindiya gaadhay ku tilmaamay talaabadii ugu saraysay ee tignoolajiyada Hindiya qaado, waxaanu beeniyay eedaymaha shirkadaas lagu eedaynayo in telefoonadeedan jaban ay ku soo dhex qarisay barnaamij lagu basaasayo dadka iibsada.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.