WorldRemitAds
Warbaahinta dalka Maraykanka ayaa shaacisay in shaqadii laga eryay askari ka tirsan ciidamada Maraykanka, kaas oo bogiisa shabakada xidhiidhka bulshada ee Facebook ku cambaareeyay Madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama.

Sida warbaahintu ku warantay, warar lagu kalsoon yahay oo laga helay taliska guud ee ciidamada dalka Maraykanka ayaa cadeeyay in askarigaas oo lagu magacaabo Gary Stein dirayska laga dhigay ka dib markii uu Madaxweynaha dalka Maraykanka ku tilmaamay Fule aan geesi ahayn.
Askarigan oo ka tirsan ciidamada Badda ee dalka Maraykanka ayaa Facebook ku baahiyay, qoraal ama weedho uu madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama ku timaamayo fule, isla markaana ku habaarayo in uu naarta galo, dhaqamada noocaas ah oo sharciga u yaala dhigayo in dirayska laga dhigo askariga ku kaca, lagana yaabo in gudida xaqiiqa raaadinta arrintan ku jirtaa ku talaabsan doonto sida warbaahintu sheegtay.
Sergeant Gary Stein, da’diisuna tahay 26-jir, waxa uu sidoo kale shabakad ay leeyihiin xisbiga muxaafidiinta xag jirka ah ee dalka Maraykanka ee lagu magacaabo Tea Party ku baahiyay erayo nacayb iyo cunsuriyadi ka muuqato oo uu ku durayo madaxweynaha dalka Maraykanka.
Askarigan oo ka tirsan ciidamada Bada ee dalka Maraykanka ayaa Facebook ku baahiyay, qoraal ama weedho uu madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama ku timaamayo fule, isla markaana ku habaarayo in uu naarta galo, dhaqamada noocaas ah oo sharciga u yaala dhigayo in dirayska laga dhigo askariga ku kaca, lagana yaabo in gudida xaqiiqa raaadinta arrintan ku jirtaa ku talaabsan doonto sida warbaahintu sheegtay.
Sergeant Gary Stein, da’diisuna tahay 26-jir, waxa uu sidoo kale shabakad ay leeyihiin xisbiga muxaafidiinta xag jirka ah ee dalka Maraykanka ee lagu magacaabo Tea Party ku baahiyay erayo nacayb iyo cunsuriyadi ka muuqato oo uu ku durayo madaxweynaha dalka Maraykanka.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.