WorldRemitAds
Cilmi-baadhis caafimaad oo dhawaan ay samaysay jaamacadda Liverpool ayaa daaha ka rogtay faa’iidooyinka Muusku u leeyahay caloosha iyo sida uu xanuunada caloosha haleela ka hor taga iyo dawada uga yahay.

Sidoo kale waxay daraasadani si cad u iftiimisay in qaybo midhiciradda ka mid ah oo iyaga shaqadoodu tahay inay caloosha ka difaacaan bakteeriyada oo muusku koriyo. Khabiirka hor kacayay cilmi baadhistan oo lagu magacaabo Doctor Barry Campbell ayaa sheegay in xog ururintoodan caafimaad daaha ka rogtay faa’iidadda muuska oo ah khudrad si fudud meel kasta oo dunidda ah looga heli karo, qiimihiisuna yahay mid qof walba ugu yaraan hal xabo maalintii jari karo.
Khabiirka ayaa tilmaamay sida muusku u go’doomiyo cayayaanka caloosha ku dhasha iyo dhaq dhaqaaqooda, sidoo kale wuxuu tilmaamay faa’iidooyinka balaadhan ee uu caloosha u leeyahay. Dr. Barry Campbell waxa uu isagoo ka hadlaya faa’iidadda muuska uu yidhi, “Muuska waxa hore loo ogaa fiitamiinadda iyo macdanta oo aad ugu badan awgeed inuu wax badan ka taro, difaaca lafaha iyo u adkaysiga xanuunadda laab dilaaca iyo calool ololka, hasa yeeshee waxa arrin xiiso leh nagu noqotay sida uu muusku awooda ugu leeyahay inuu jidhka ka difaaco calool istaaga, xaaladaas oo marka ay qofka haleesho aad hoos ugu dhigta caafimaadkiisa guud ahaa.”
Digtoorka ayaa sheegay in baadhitaankani rejo badan ka muujiyay sida muusku calool istaaga uga ilaaliyo aadamaha taas oo ah hab dabiiciya oo aan wax yeelo u gaysan Karin caafimaadkiisa mustaqbalka.  Khudradda Muuska oo qani ku ah maadooyin koriya qaybta caloosha u qaabilsan burburinta cuntada ee dheefshiiska kor u qaada, waxay caloosha u sahashaa inay si dabiiciya u shaqayso oo dheefshiidku si isku dheeli tiran u koro.
Muuska waxa hore loo xaqiijiyay inay ku jiraan sadex nooc oo macaanka ka mid ah, kuwaas oo dabiiciya kalana ah, sucrose, fructose iyo glucose, dhamaan noocyadan macaanka ahii waxay jidhka u kordhiyaan awooda iyo tamarta aadamuhu u baahan yahay, kuwaas oo jidhku si deg deg ah uga helo baahiyihiisa dhinaca tamarta uu u bahan yahay ah.
Muusku waxa kale oo maadooyinka uu ka samaysan yahay aad ugu badan oo Alle ku manaystay macdano kala duwan oo ay ugu wayn tahay macdanta lagu magacaabo Hemoglobin taas oo kor u qaada si xoog lehna u kordhisa dhiiga, kana caawisa dadka dhiig yaraanta.
Ugu danbayntii daraasado kala duwan oo hore loogu sameeyay muuska ayaa cadeeyay in faa’iidooyinka Muuska ay ka mid yihiin, dhiig karka oo uu yareeyo, wadno gariirka oo isaga laftiisa uu hoos u dhigo, calool qalalka oo uu jidhka kala dagaalamo iyo dheef shiidka oo uu xoojiyo.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.