WorldRemitAds
Hargeysa, Somaliland, February 26, 2016 (Saxafi) – Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa Wefti ballaadhan u soo dirtay Xaaladda Abaareed ka taagan deegaano ka tirsan gobolada Somaliland, weftigaas oo uu shalay Madaarka Hargeysa ku soo dhaweeyay Ambassador Baashe Cawil Cumar oo ah Wakiilka Somaliland u fadhiya Dalka imaaraadka Carabta.

Ambassador Baashe Cawil Cumar oo halkaa ka hadlay ayay hadaladiisa ka mid ahaayeen “Waxaa runtii farxad weyn maanta inoo ah in aynu halkan kusoo dhawayno Wafti ka socda dalka imaaraadka carabta, sidaynu la wada soconaba waxaa in muddo ahba dalka  ka jiray abaaro saameeyey dad iyo xoolaba abaarahaasi oo runtii dhibaato fara badan u geystay shacabka iyo dadkii xoola dhaqatada ahaa, waxaanu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo u xilsaaray guddi uu ka madax yahay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) gudidaasi oo loo xil saaray inay soo deristo wax ka qabato sidii wax loogu qaban lahaa dadkaa.
Waxaynu la soconaa ayaamahanba ay socdeen gurmadkii abaaruhu dalka dibadiisa iyo gudihiisaba hawlahaasi ka socdeen gurmadkaa loo fidinaayey abaaraha ayaa Madaxweynuhu safiirada iyo dhamaan dalalka aynu cilaaqaadka leenahayna u gudbiyey in lasoo gaadho dadkaa dhibaatadu gaadhay waxaana maanta farxad weyn ii ah in markale Dawladda Imaaraadku noqoto Dawladdii ugu horaysay ee kasoo jawaabta dalabkaa Madaxweynaha JSL u fidiyey.
Waxaana maanta (Shalay) halkan socda Hay’addii Al-Khaliifa Foundation oo ah Hay’add aan inagu cusbayn ragga maanta laynoo soo dirayna ay yihiin ragg yimi sanadkii dhawaa markii abaaruhu ina saameeyeen Insha Allaahu tacaalaa mudadaa ay joogaan waxay muhiimada saari doonaan sidii ay wax uga qaban lahaayeen dhibaatooyinkaa iyo dadka abaaruhu saameeyeen, Waxaan jeclahay inaan halkan uga mahad celiyo Dawladda Imaaraadka oo iyadu marwalba u dhego nugul baahiyaha ay dalka iyo dadka reer Somaliland leeyihiin muujisayna inay yihiin saaxiib dhaba oo garab istaaga markasta oo ay Somaliland u baahato”. 

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.