WorldRemitAds
Hargeysa, Somaliland, February 26, 2016 (Saxafi) – Shirgudoonka golaha wakiilada Somaliland ayaa si rasmi ah u shaaciyay xiliga gudida arrimaha guduhu ay gudo galayaan xog ururinta xeerka qabyo qoraalka ee doorashadda golaha Wakiillada.

Kulankan oo ka qabsoomay hoolka aqalka wakiilada Somaliland shalay ay goob joog ka ahaayeen shirgudoonka wakiilada, gudida arrimaha gudaha, axsaabta siyaasada iyo wakiilo ka tirsan ururada rayidka ah.
 Ugu horeyn waxa ka hadlay gudoomiye ku xigeenka gudida arrimaha gudaha xildhibaan Bashiir Tukaale, waxaana hadalkiisu u dhignaa sidan. “Waxa lagama marmaan noqotay, maadama cabashooyin fara badani ka yimaadeen, gobolladii iyo dadkii ay arrintani khusaysay ee reer Somaliland, waxa la qaatay in dadweynihii dib logu celiyo oo rayigooda la soo waydiiyo heer degmo iyo heer gobolba waxa ay ka qabaan iyo qaabka doorasho haday ku qanaacsan yihiin in sidan (sami qaybsiga kuraasta baarlamaanku ku kala fadhiyo hada) iyo haddii wax ka badel lagu sameynayo hadii uu saluug jiro si ay u cadeeyaan dadku.”
Waxa kaloo iyaguna goobta ka hadlay masuuliyiinta axsaabta siyaasada qaranka, sida gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee xisbiga Kulmiye muj: Maxamed Kaahin Axmed, ku xigeenka xoghayaha ahna ku simaha xoghayaha xisbiga UCID Naasir Yuusuf Qodax iyo xoghayaha guud ee xisbiga Wadani Maxamed Cabdillaahi Uurcade.
 Labada masuul ee ka socday xisbiyada Kulmiye iyo UCID ayaa ku dhaliilay mudanayaasha aqalka wakiilada inay wakhti badan haysteen kuna diyaarin lahaayeen xeerkan. “Anagoo ogsoon xeerkan golaha wakiiladda in xeerkii 2005-tii uu ahaa ku meel gaadh, golaha wakiillada hadda 10 sano ayay fadhiyaan, waxayna ahayd inay soo sameeyaan xeerkii lagu dooran lahaa. ” Ayuu yidhi wakiilka UCID.
Xogayaha guud ee xisbiga Waddani Maxamed Cabdilahi Uurcade ayaa eedaynta dusha ka saaray xukuumada Axmed Siilaanyo iyo xisbul xaakimka Kulmiye isagoo ku dooday in loo baahnaa inay ku hoggaamiso golaha fullinta hawshan. “Xukuumadda ayay ahayd inay hogaamiso oo ay mar hore ku hagto, maadaama aanay golaha wakiillada arintu gaar u ahayn. ” Ayuu yidhi Uurcade

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.