WorldRemitAds

Booliska dalka Ruushka ayaa xabsiga u taxaabay nin tuug ah oo ku dhex gam’ay ama seexday goobtii uu xaday, kaas oo isagoo dhagta ku jira ay boolisku ka soo xidheen goobtii uu xatooyada ka gaystay, waxaanay wakaaladaha wararka aduunku si wayn u baahiyeen warka ninkan tuuga ah oo ka mid noqday arrimaha layaabka leh ee aduunka.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Facebook-ga

SomlegalAds

Dhacdadan oo laga soo wariyay degaanka Orenburg ee dalka Ruushka ayaa u dhacay dhisme dabaqyo ah oo ku yaala, xaafada Sharlykskoye ee magaalada Orenburg, oo uu habeen badhkii u dhacay tuugani, kaas oo jabiyay shabagii daaqadaha oo uu kalbada iyo alaado kale u adeegsaday.

Tuug Goobtii Uu Xadday Seexday Oo Xabsiga La DhigayTuugan oo lix iyo sodon jir da’diisa lagu sheegay ayaa ku guulaystay xatooyo lacageed oo buuran marka loo eego shaqadiisa tuugada ah, waxaanu xaday 140,000 oo lacagta Rubles ee dalka Ruushka laga isticmaalo ah, taas oo u dhiganta ($2,100) dollar.

Markii uu tuugada dhamaystay ayuu arkay kursi kuwa lagu nasto ah, waxaanu damcay inuu cabaar ku nasto, hasa yeeshee waxa la tagtay hurdo oo markiiba dhagta ayuu ka galay, waxaanu u seexday sidii uu gurigiisi joogo oo kale.

Sida wakaaladaha wararka Ruushku ku warameen, tuugan ayuu ogaaday mid ka mid ah ilaalada dhismahaas oo habeen badhkii badh baadhay kamarada ilaalada ee lagala socdo dhaq dhaqaaqa dhismaha, kaas oo mar kaliya ku naxay aragtida qofka dhex hurda qolka lacag qabashada ee xafiiskan, kaas oo uu isagoo madhan ku ogaa fiidkiina laga wada rawaxay.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Twitterka

Waardiyahan ayaa u yeedhay booliska oo ku wargeliyay waxa uu ku arkay xafiiska, waxaana goobta yimi booliskii oo halkaa ka taxaabay ninkii tuuga ahaa iyo wixii uu xaday oo hortiisa yaala, waxaanay boolisku ninkaa tuuga ah ka soo gaadheen inuu la galbado lacagtii uu xaday ee uu goobta ka dhacay.

Tuugii oo fadho madhan ayaa goobta laga taxaabay, waxaana ku dhacay oo xaalkiisu noqday, liq liq, liqi waabaa xiigi doona, waxaana goobta laga kexeeyay isagoo ceeb iyo xadhig isu raaxay, sida dad badani ku sifeeyeen tuugan ayaa riyadii macaanayd ka kacay isagoo xaalku farihiisa ka baxay, waxaanay boolisku u yimaadeen isagoo aan diyaar u ahayn sababtoo ah? Waxa uu seexday isagoo lacag culus xaday, waxaanu toosay isagoo katiinadi sugayso.


Maqaalada Kale Ee Saxafi Aad Ka Helayso


 

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.