WorldRemitAds
Hargeysa, Somaliland, February 23, 2016 (Saxafi) – Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade ayaa sheegay in xaaladda dalku amaan tahay, Islamarkaana aanu ogeyn wax dhibaato ah oo jira.

Cali Warancade oo shalay hortagay guddiga joogtada ah ee Golaha Guurtida, ayaa waxa laga dhagaystay warbixin ku saabsan guud ahaan xaalada dalka iyo gaar ahaan halka ay marayso arrinta kala xadaynta degmooyinka dalka oo murankoodu soo noqnoqday. “Waxaan jeclahay inaan idiin sheego dalku waa nabad wax dhibaato ah oo la sheegi karaana ma jiraan, marka laga yimaado arrimaha yaryar ee iska dhaca oo ay wasaaraddu u xil saran tahay xallinteeda. Dhibaatada ugu weyn ee jirtaa maanta waa abaar. Ta kale, arrimaha laga soo sheegayo dhinaca Xeebta Waqooyi ee Goboladda Hargeysa, Awdal iyo Saaxil. Arrimahaasi waxaa ay ku yimaadeen oo ka dhasheen xala xadayn la’aan aan la xalin dhowr iyo labaatankii sanadood ee aan soo dhaafnay. Waxaanan ku tala jiraa sida ugu dhakhsaha badan inaan u sameyno kala xadayntii oo aan waafajino Distoorka dalka. Shacbigana waxaan u sheegayaa in arrintaas dawladu gacanta ku hayso oo si fiican ay ku dhamaan doonto oo sharci ah. Cid wax loo qaadayo iyo cid wax loo gurayaa midna ma jirayso” ayuu yidhi Wasiir Warancade oo la hadlayay guddiga joogtada ah ee Golaha Guurtida.
Wasiirku waxaa kale oo uu sheegay in ay joojiyeen codsiyadda cuqaasha iyo salaadiinta cusub ee la diiwaan geliyo, islamarkaana ay ku talojiraan in gabi ahaanba la mabnuuco xafladaha noocaas ah ee aan ku imman dhaxalka.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.