“Waxaan Ballanqaadaynaa Inaan Sugno Nabadgelyadda Qaranka, Dalka iyo Dadkaba, Intii Awoodayada ah, Haddii Ilaah Yidhaahdo” Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland

0
49
PropellerAds

Hargeysa, Somaliland, Febuary 04, 2018 (Saxafi) – Taliyaha Ciidanka Qaranka Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani ayaa ballanqaaday qaaday in Ciidanka Qaranku sugi doono nabadgelyada Qaranka, dadla iyo dadka, intii awoodooda ah, hadii Ilaah yidhaahdo.

Taliye Nuux oo ka hadlayey sannadguuradii 24aad ee ka soo wareegtay aasaaskii Ciidanka Qaranka JSL oo lagu qabtay xarunta Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka Somaliland ee magaalada Hargeysa ayaa sheegay in taariikhda Ciidanka Qaranku la bilaabmatay dhismahii xukuumadii Labaad ee JSL, iyo sababhii keenay isla markaana bogaadiyey raggii hawsha u guntaday hirgelinteeda waxaanu yidhi,

“Mudanayaal, Ciidanka Qaranku waxuu la kowsaday aasaaskii dawladii labaad eek a dhalatay JSL, ee lagu soo dhisay Boorama 1993-dii, uu madax ka ahaa AHN Md. Maxamed Ibraahim Cigaal, madaxweyne-xigeen ka ahaa Md. Cabdiraxmaan Aw-Cali Faarax, oo manta (shalay) xafladan innala jooga. Mudane Madaxweyne, Mudanayaal, wakhtigaa waxa jiray ciidan beeleedyo wadooyinka joogay, way adkayd xitaa sidii lagu gaadhi lahaa Boorama, dawladii halkaa lagu soo dhisay waxay u baahatay ciidan amniga suga, baahiyaada darted ayaa lagu dhisay aasaaskii Ciidamadii Qaranka oo lagu saleeyey col-walba saamiga ay ku kala leeyahiin Gollaha Guurtida, waxaana la aasaasay Guutadii koowaad & Guutadii Labaad oo lagu saleeyey saamigii Gollaha Guurtida, sidaad ayaanu Ciidanka Qaranku ku bilaabmay. Intaa waxii ka dambeeyey Ciidanka Qaranku wuu sii kobcayey oo meel sare ayuu sii gaadhayey. Waxa mudan raggii hawshaa ka shaqeeyey, oo Mudane Madaxweyne aad wakhtigaa ka ahayd wasiirkii Daakhiliga ee dawladaasi, rag kaloo manta halkan jooga oo Cabdiraxmaan Aw-Cali ka mid yahay, Maxamed kaahin ka mid yahay, Madaxweynahii hore Md. Axmed Siilanyo ka mid yahay, ragii waa noolyihiin, rag kale waa dhinteen, oo Guurtida ka mid ahaa sida Sheekh Ibraahim, Suldaan Cabdiraxmaan, Suldaan Maxamed Faarax, Sheekh Muuse Goodaad iyo rag kaloo bandanna manta waa mootan yihiin (Ilaahay ha u naxariistee). Hawshaa aad qabateen waa waxaan kaga sarrayno een milgo ku leenahay, ee khaykeen ku dhaafnay, ee keentay inaan manta (shalay) halkan ku fadhino nabadgelyo.

Taliyaha Ciidanka Qaranka JSL S/G Nuux ayaa sheegay in Ciidanka Qaranku kaalin weyn ka qaatay sidii maamulka dawlada loo fidin lahaa, waxaanu yidhi,

“Mudane madaxweyne, Mudanayaal, intaa waxii ka dambeeyey Ciidanka Qaranku waxuu ka qeybqaatay sidii maamulka dawladnimo loo fidin lahaa, loona gaadhsiin lahaa goboladda. Waxaan Madaxweyne xusuusnahay 1997-dii Burco Ciidan ka shisheeya ma jirin, Guutadii u horeysay oo 17aad la odhan jiray, ayaan Darar-weyne ka rarnay oo geynay magaalada Oog. Maalintii aanu oog degnay, annaguna qariib-qariib ayaanu iska dhigaynay, dadkuna way nala yaabeen maalintaa, waxay ahayd bishii shanaad ee 1997-kii. Magaalada Oog xilligaa dhowr cariish oo yaryar ayey ahayd, intaa waxii ka dambeeyey, Mudane Madaxweyne, Ciidanku maalin-ba maalinta ka dambaysa ayuu ku sii fidayey, ilaa uu manta gaadhay magaalada Tuke-raq oo Oog u jirta Laba Boqol oo KM, Sanaagna, sidaa si le’eg. Waxuu kaloo faa’iido keenay Ciidanku meeshuu degaba, magaalooyinku way ku kobcayeen, Magaalada oog aad aragtaan xilligaa carshaan yaryar ayey ahayd, maantana waa magaaladaa caasimada ee weyn ee huteelada leh, ee sida ay tahay la arkayo, Wadhako, sida asi le’eg, yaqoori, sidaa si le’eg, Samakaab, sida si le’eg, Adhi-cadeeye, sida asi le’eg, ilaa Laas-caanood. Meeshii Ciidanku degaba way camirmaysay oo dhismaysay.

Taliye Nuux ayaa sheegay in Ciidanka Qaranku marwalba u taagan yahay sugitaanka xuduudaha qaranka Somaliland, isla markaana si waajibaadkaa u guto loo diyaariyey dugsiyadii iyo kuliyadihii lagu kobcin lahaa aqoontooda, waxaanu yidhi,

“Waxaan kaloo Mudane Madaxweyne, ku dedaalaynay, sidii waajibka dastuuriga ahayd in xadkii Somaliland la gaadho, inuu Ciidanku ku dedaalo, maanu gaadhin halkii, waa waajib distoori ah oo na saaran in xadka qaranka la gaadho. Madaxweyne, waxaan kaloo ku dedaalay sidii ciidanka jira loo tayeyn lahaa, waxa abuurmay dugsiyo tababar, sida Dugsiga Qoraya-cawl, Darar-weyne iyo Sheekh oo ciidankii markaa joogay lagu xereeyey, laguna tabobaray. Waxa abuurmay dugsiyo kale, sida Kuliyada Saraakiisha ee Cabdillahi Askar, kuliyada Saraakiil-xigeenka ee Harag-waafi, kuliyadahaasina way abuurmeen, oo dhamaantood loogu tallogalay tayeynya ciidanka hadda jira. Waxaan kaloo tababaro siinay ardaydii iskuulada oo manta jooga oo macamiliim ka ah kuliyadahaa oo Injineero leh, oo Dhakhaatiir leh, oo ciidan dhul leh, oo maantana macamiliim ka ah kuliyadaha oo ciidamada jiidaha horena taliyeyaal ka ah. Waxa waxbarasho aqoonta Dhakhtarnimada noogu maqan saraakiil gaadhaysa gaadhaysa 11, oo waxbarashada heer labaad (master) baranaya, qaarkoodna sannadkan soo dhamaysan doonaan, halka saddex sarkaalna hore waxbarashada labaad (Master) u soo dhamaysteen. Mudane Madaxweyne, sannadkan keliya waxaan dibedda u dirnay labo boqol oo ciidan ah, oo ka kooban saraakiil ilaa askari caadi ah oo waxbarasho loo diray, waxa manta (shalay) dalka ku soo noqday iyagoo soo dhamaystay waxbarashada 189, halka ay hadheen 11-kii aan sheegay inay aqoonta waxbarashada heer labaad (master) soo baranaya, oo qaarkood sannadkan soo dhamayn doonaan.

“Kuliyada Saraakiisha Cabdillahi Askar waxa hadda noogu jira boqol sarkaal, oo ka kooban ciidamada kala duwan, Booliiska, Ciidanka Badda, Ciidanka Madaxtooyada, iyo Ciidamada kale ka kooban yihiin. Kuliyadda saraakiil-xigeenka ee Harag-waafi waxa noogu jira 80 saraakiil-xigeen, lixdii bilood ee horena, tiro intaa le’eg ayaa ka baxday. Sannadguuradii Ciidanka ee Sannadkii hore waxaan sheegnay inaan ardayda jaamacadaha qaadan doono, oo saraakiil laga dhigi doono, waxa Madaxweyne taa naga horistaagay, waa tii abaaro badan dhaceen, way noo suurtageli weyday intaan ardaydii jaamacadaha qaadano aan koorsooyin u dirno. Hadii Ilaahay noo sahlo, sannadkan ayaa ku dedaalaynaa inaan ardayda jaamacadaha qaadano inta imtixaan laga qaado, oo aqoon kala duwan aan soo barno, waayo kuwii hore Injineeradii hore soo baxay jaamacadaha ayey ka dhigaan, wadanka wax badan ayey u tareen, dhakhaatiirtii sidaas oo kale waanay noo shaqeeyaan, waxna ka dhigaan jaamacadaha, oo dadka way u faa’iideeyaan. Waxaan rajaynayanaa kuwa dambena inaan dirno, oo dadka wax u faa’iideeyaan.

“Mudane Madaxweyne, iyadoo abaaro ay dhaceen, awoodeenuna ay yarayd, haddana waxaanu ku dedaalay inaanan halkii uun fadhiyine, aan waxqabsano, oo hore-u–kac samayno. Waxaan Madaxweyne ku soo tusnay deyrka aanu ka dhisnay xerada Bir-jeex ee lixda boqol mitir ah, ciidanka dhisay, waayo ciidanku waa xoog fadhiya, waxaad kaloo aragtay dhismaha aanu halkan ka dhisanay, oon is-nidhi Fooqan hadda jira waa kii dawladii hore (soomaaliya) dhistay, idinku maxaad qabsateen, bal wax ku dara meesha! Taana waanu ku guulaysanay. Waxaad kaloo soo aragtay madaxweyne Miiska Saraakiisha oo saddex qol iyo hool martiyeed, hadii marti noo timaado meel aanu seexino aanu u helo, aanu ka dhisnay, waxa kaloo Miiska saraakiisha aan dhisnay afar qol oo lagu dhigto aqoonta kombuuterka iyo luuqada af Ingiriiska, oo macalimiin ajaanib ah wax baraan, waanay socotaa. Waxa kaloo jira dhismeyaal loogu talo galay saraakiisha qeybta dhexe ee aqoonta leh wax lagu bari doono, oo dhsimaheedii socdo, marwalba labaatan sarkaal ayaa gelaya, waanay u furan tahay dhamaan ciidamada oo dhan. Waxaan kaloo magaalada Burco Miiska saraakiisha ka dhisnay hoolka ugu wanaagsan oo tobodab boqol qof qaadaya,  inkastoo aanan weli qalabayn, Madaxweynahii hore Md. Axmed maxamed Siilanyo wuu arkay, waan u furay. Waxa Madaxweyne, qorshaha noogu jira xerada Burco oo qeyb ka mid ah xilligan xaasas ku jiraan, waxaan u helnay dhulkii aanu dejin lahayn, Wasiirka Biyahu-na waxuu naga ballanqaaday inuu gaadhsiiyo biyaha halkaa, waxaan doonayna ainaan xeradaa deyr ku soo wareejino si dhulkaa noogu u nabadgallo.

“Mudane Madaxweyne, waxaad markhaati ka ahaydeen, kaalintii aanu ka qaadanay doorashadeenii, Diiwaangelintii iyo kaadh-qaadashadii, iyo doorashadii kaleba, ciidanka qaranku waxuu ka qaatay qeyb weyn. Mudane Madaxweyne, iyadoo awoodayadu kooban tahay, haddana, sannadkan waxaan caafimaad ku dirnay, Itoobiya ha u badnaatee, 125 saraakiil iyo askar kale isugu jira, ayaan u dirnay. Waxa usbuucii hore noo yimi qalabkii lagaga shaqeyn lahaa cusbitaalka Ciidanka, inkastoo dhismahiisi aanan weli dhamaysan, oon la samayn, haddana, dhamaan qalabkii caafimaadka marka ISKANKA (Scan) laga reebo, waxii kale dhamaantood waanu haysanaa, insha alaah, waa la taagi doonaa. Mudane Madaxweyne, insha alaah, annagoo ku kalsoon inaan Qaranku waxba naga hagranayn, oo u ku mahadsan yahay Madaxweynahii hore Md. Axmed Maxamed Siilanyo, inuu maanta derejadaa Ciidanku haysto ee ku xaragoonayo, oo dhib ahayd uu ku dhiiraday inuu bixiyo, Waxaan Madaxweyne, halkan ka ballanqaadaynaa inaan sugno Nabadgelyada Qaranka, dalka iyo Dadkaba, intii awoodayada ah, hadii Ilaah Yidhaahdo.”

Leave a Reply (Wixii Talo ah noo soo gudbi)

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.