WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, June 10, 2018 (Saxafi) – Wasiirka Cadaaladda Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye ayaa sheegay in ay wadaan qorsheyaal cusub oo loo dejinayo cadaaladda iyo garsoorka Somaliland.

Wasiir Cabdiqani waxa uu xusay in ay wax ka bedel ku samayn doonaan dhinacyo kala duwan, waxaanu sidoo kale ka jawaabay dhaliilo loo jeediyay bahda garsoorka Somaliland waxaanu yidhi  “Waxa aanu wadnaa barnaamij qofka reer Somliland ah lagu barayo waxa uu u xaqa u leeyahay iyo waxa xaqa loogu leeyahay, qofku marka uu garto waxa uu xaq u leeyahay waxa yaraanaya danbyadii taas oo waaanu soo kordhinay oo waa wax cusub waxaananu kale oo samaynyanaa wax kal yidhaadho kaalmo sharci  oo aanu u samaynayno dadka saboolka ah, tusaale ahaan qofku marka uu waayo qareen  u dooda waxaanu u samauynaa qareeno u dooda marka uu dhaqaale ahaan kari waayo” ayuu yidhi wasiirka cadaaladda Somaliland.

SomlegalAds

Mar uu wasiirka Cadaaladda Somaliland ka hadlayay dadka dhaliilay  waxa uu yidhi “Nimanka cabanaya ee Somaliland wax ka sheegayaa waa reer Xamar, kuwan BBC-da waxa ka sheegayaa waa kuwii xaakimka iska dhigayay oo waa reer Xamar, Markaa labaduba waa laba tuug oo Somaliland ka soo horjeeda waxaana iyaga  ayaa abuura, Somalilnad waa dalkaas aad arkayso ee maxbuuskii lagu Quudinayo sida ugu wanaagsan ee aan aduunka ka jirin, markaa nimankaas Soomaaliya ayaa keenay warar ku tidhi ku teen ah ah oo ay uga jeedaan inay Somalilad ku wax yeeleeyaan, xeer ilaalin ayaa jirta dalkan oo qofka marka la xidhaayo eed ayaa loo soo djeediyaa eedaasi ama way jabtaa ama qofkaas ayaa lagu helaa” ayuu yidhi wasiirka oo u waramayay HCTV.

 

 

 

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.