WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, March 15, 2012,(Saxafi) –  Beelaha Waqooyiga iyo galbeedka gobolka Hargeysa, ayaa cambaareeyey qaabka xun ee loola dhaqmay guddoomiyihii hore ee gobolka Hargeysa Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi Xamarje, waxaanay madaxweynaha ka codsadeen in 24 saacadood maxkamad lagu geeyo ama xoriyadiisii loo soo celiyo.

Sidoo kale, waxa ay eedeyn usoo jeediyey wasiirka Madaxtooyadda oo ay ku tilmaameen inuu awooddii madaxweynaha Xuurtaystay, isla markaana arrimahan jira uu isagu masuul ka yahay.

Waxgaradka, odayaaasha, cuqaasha iyo siyaasiyiinta beelaha Waqooyiga iyo Galbeedka magaaladda Hargeysa qaarkood ayaa shirjaraa’id shalay ku qabtay hotel Xaraf, kuwaas oo ku dhaliilay qaabkii loo xidhay badhasaabka gobolka iyagoo ku eedeeyey wasiirka Madaxtooyaddu inuu arritaasi lug ku lahaa.

SomlegalAds

Guddoomiyihii hore ee Bullaxaar, Axmed Aw Ismaaciil Jaamac oo ugu horeyn arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Waa sharci qofku haddii uu dambi galo in waajibkiisa la mariyo, masuuliyiintan xilka laga qaaday ee la xidhxidhay may ahaan jirin caynkaasi, haddii uu nin masuul ahi uu dambi galo waa la soo qaban jiray maxkamadda ayaa la geyn jiray, marka uu dambigiisu cadaato ayaa waajibkiisa la marin jiray, laakiin ma dhici jirin in mar kaliya xilkana laga qaado lana xidho, ta labaad, madaxweyne ku xigeenku waxa uu sheegay in hantidan masuuliyiinta lagu eedeeynayo in hore loo lunsaday oo iyaga loo diray inay badbaadiyaan, ilaa imika lama hayo cidii lunsaday,  ciddan wax lunsatay ee madaxweyne ku xigeenku sheegay ee aan la qaban ma cid sharciga ka saraysaa, waxaanu leenahay masuuliyiintan la xidhay uma aragno kuwa arrintaasi lagu xidhay ee waa kuwa ujeeddo laga leeyahay, markaa waa in kuwii waxaasi sameeyeyna la xidhaa kuwana sharciga la mariyo” ayuu yidhi.

Waxa isaguna halkaasi ka hadlay Maxamed Cismaan Xuseen waxaanu sheegay In masuuliyiintani ay ku  xidhan yihiin xaqdaro, isla markaana ay dambi tahay in qof jeelka uun la iskaga hayo, isagoo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Masuuliyiinta waxa lagu xidhay si xaqdaro ah oo waliba xadhigoodu waa wanjal godobaysan, sidaa waxa cadaynaya in iyaga oo faraha ku haya hawshii uu madaxweyne ku xigeenku u igmaday kuna guulaystay inay helaan meelo badan oo wax la dhigtay hadana iyaga lagu eedeeyo inay sameeyeen musuq maasuq, kuwii dekadda Berbera ka soo qaaday ee ay ku jiraan hawlwadeenadda firfircoon ee madaxtooyadda joogga, kii qabtay ayaa hadana dib ula noqday oo meel kale geystay wax aanu qaadan karno maaha wax dadku rumaysan karaana maaha, waxaad moodaa inay awooddo isticmaalaya magaca madaxweynaha iyo ku xigeenka ay jiraan oo ku takrifalaya, tusaale ahaan maamulkii Siyaad Bare tobankii sanno ee u dambeeyey xukunkiisu gacanta uguma jirin balse waxa uu samaystay Maslax Siyaad Bare oo aan caqli badan lahayn, askarigii ay markii dambe sodoga u noqday ee Morgan, labadaas nin ayuu xukunku gacanta ugu jiray,” ayuu yidhi.

Caaqil Maxamed Madar Guuleed ayaa isagunna halkaasi ka hadlay, waxaanu yidhi “Waxaan aad ula yaabanahay wax aan moodayey in ay dhamaadeen ayaan xalay xasuustay, waar qafaalad la is qafaashay xukun aan maxkamad lahayn oo la isku rido, waxaas waxaan moodayey in aynu ka guurnay inagu oo aynu ka noqonay waxaas wax ka wanaagsan inaynu noqonay, Sillaanyo intii uu hawsha ku jiray ee uu doorashadda doonayey waxay ahayd khudbadiisu in tallo wadaag la leeyahay, waxkasta oo yimaada la isku soo gaadho, khalad wuu dhici karaa laakiin waa inuu jid leeyahay, balankii noo yaalay waxa uu ahaa wax kasta oo yimaadda in tallo wadaag iyo hubsiimo inay ka meelyaalaan, waxaan arkayaa in aanay taasi waxba ka jirin, muwaacimo ayaa la keenay oo Berbera ayaa la keenay oo dad baa u xilsaarnaa, waa la keenay iyo waa la waayey ayuun baa xigtay, halkaana waxaanu u arkaynaa hadii aanu nahay bulshada Berbera ilaa waqooyi, galbeed ee magaalada Hargeysa in masuuliyiinta xidhan arintooda si gaara loogu tashaday oo la wanjalay oo been abuur loo sameeyey, waxaana waajiba in la hor keeno maxkamada si aan anaguna ugu qanacno dadkana u qanciso oo sharciga lagu kala baxo, haddii taasi sii socoto nabadgalyada waa la waayi madaxtinimadda waa la waayi”ayuu yidhi.

Caaqil Aadan Faacul Cawil ayaa isna halkaasi ka hadlay oo sheegay in aanay aqballayn sharci darada uu ku xidhan yahay guddoomiyihii hore ee gobolka Hargeysa “Xoolaha mucaawimaddu inay lunsi ahaayeen marag baad ka tihiin, cid loo hayo oo soo lunsaday oo aan ahayn ragii loo diray ma ogi, marka uu leeyahay baadi buu ahaa oo nin baa waday lana dooni maayo, ma Xirsiga halkan joogaa Xirsiyo kale u diray.. haddii sharciga dhabta ah ee uu ku xidhan yahay 24 saacaadood nalagu tusin, wixii ka dhaca idinkaa ka masuul ah”ayuu yidhi.

Waxa isaguna halkaasi ka hadlay Caawil Xasan Maxamed Liibaan oo si adag uga hadlay arrintan madaxweynahana ka codsaday in sharafta iyo karaamadda uu u soo celiyo masuuliyiinta xidhxidhan “Madaxweynihi hore ee Cigaal waxa la shaqayn jiray oo inankiisa ka dhigan jiray nin madaxweynaha ay ilmaadeer yihiin oo la odhan jiray Ina Dhooleyare, Siillaanyana waxaan is lahaa abaalkii uu Xamarje ku lahaa Siillaanyo waxaan ka eegaynay halkii uu ina Dhoole yare ka fadhiyey ina Cigaal inuu ka fadhiisto oo uu adeer u ahaaddo, Xirsi ninka la yidhaa buu keenay, taasi mid aanu ka filaynay may ahayn”ayuu yidhi

Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Cabdicasiis Axmed Xirsi, Xildhibaan Xuseen Cismaan iyo Cabdilaahi Ciise oo dhamaantoodba sheegay inay u arkaan sifaha guddoomiyaha loo xidhay sharci daro, kana codsaday in maxkamad la geeyo ama la siidaayo.

1 COMMENT

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.