WorldRemitAds
Hargeysa, Somaliland December 7, 2015 (Saxafi) – Wefti ka socda Somaliland ayaa shalay u anbabaxay dalka Ethiopia.

Weftigan shalay ka baxay Hargeysa oo ka koobnaa wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Warancadde Wasiirka Gaashaandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami iyo Taliyaha Sirdoonka Qaranka Jaamac Maxamed Bootaan ayaa waxaa ay shalay gelinkii dambe ka ambabaxeen madaarka Cigaal ee Caasimada Hargeysa, iyagoo wasiirka Arrimaha dibada Sacad Cali Shirena sidda la sheegay uu kaga sii horeeyo magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.
WeftiUjeedada weftigan ayaa si rasmi ah loo shaacin dhinaca Xukuumadda, balse, wararka aanu helay waxaa ay tilmaamayaan in socdaalka Masuuliyiintan ee dalka Ethiopia ku aadan tahay dhinaca amaanka, sidoo kale waxaa la sheegay inay magaalada Addis Ababa weftigu kula kulmayaan madax ka tirsan dalka Ethiopia, iyadoo warku intaas ku daray in qorshuhu yahay oo la filayo in kullamadan lagu soo qaado sidii xal loogu helli lahaa cabashooyin la xidhiidha dhinaca dal ku galka Ethiopia oo mudooyinkii u danbeeyay ka soo yeedhayay qaar ka mid ah muwaadiniinta reer Somaliland ee danaha ka leh dalkaas. Sidoo oo ay tahay ma jiro war rasmi ah oo arrintan ku saabsan oo labada dhinac midna ka soo yeedhay.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.