WorldRemitAds
Hargeysa, Somaliland, December 7, 2015 (Saxafi) – Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland Eng: Xuseen Cige (Xuseen Deyr) ayaa ka jawaabay eedeemo loo soo jeediyey xukuumadda iyo xisbiga kulmiye, waxaanu sheegay in xisbiga WADANI mar kasta oo uu hadlo luminayo kalsoonadii taageerayaashiisa.

Afhayeenku waxa uu sheegay in weedho ku jiray qoraalka war-saxaafadeedka WADANI ay ahayd aflagaado sumcada xisbbiga waxyeeli karta, isagoo usoo jeediyey inay u tudhaan shacabka.
Qoraalka war-saxaafadeedka afhayeenka madaxweynaha Xuseen Deyr ayaa u qornaa sidan “Siyaasadda hagta Xisbi Qaran oo Mucaarid ah waxay u baahantahay Hayal-samaan, Argti iyo Farsamo Siyaasadeed oo xeel-dheer taasoo salka ku haysa Daacadnimo, Run-sheegnimo, Dulqaad, Hadaf iyo Himilo Siyaasadeed oo Qaran lagu dhiso Ummadna lagu hoggaamiyo.
Afhayeen Madaxtooyada Somaliland, Xuseen DeyrHadafka iyo himilada Siyaasadeed ee haga Xisbi Qaran oo Mucaarid ah way ka qoto dheer tahay caadifad, shaqsi weerar, aargoosi-siyaasadeed iyo in xumaan lagu dhex abuuro Bulsho weynta Jamh. Somaliland ee nabadda iyo samaha jecel. Dhinaca kale, kasbasha kalsoonida shacbigu waxay lagama maarmaan u tahay ka rumaynta himilada iyo hiigsiga siyaasadeed ee uu leeyahay Xisbi kasta oo tartan ugu jira hanashada Hoggaanka Dalka.
Haddaba, waxaynu si joogto u maqalnaa hadallo iyo dhawaaqyo isugu jira dhalliilo iyo dhaleecayn xad-dhaaf ah oo aan sal iyo raad toona lahayn oo ay Xukuumadda u soo jeedinayaan saraakiil xilal sare ka haya Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI. Dhaliisha ay soo jeedinayaan Madaxda iyo saraakiisha Xisbiga WADDANI kuma salaysna xaqiiqo dhab ah oo jirta, sidoo kale ma daliishadaan baylah jirta, hagrasho iyo dhalliilo muuqda oo ay shacbigu uga garaabi karaan.
Waxaynu hadh iyo habeenba noocyada kala duwan ee war-baahinta ka maqalnaa ama ka aragnaa haddallo xad-gudub iyo deelqaafba ku ah cirdiga iyo sharafta Madaxweynaha Qaranka iyo Qoyskiisa, Xukuumaddiisana lagu weerarayo, taasoo dhaqan iyo caadaba u noqotay Xisbiga WADDANI.
Tusaale ahaan hadallada meel ka dhaca, maan-gadka iyo karaamo darradaba ku ah Hannaanka Xisbinimada ee lagu sheegay War-saxaafadeedkii uu shalay (05.12.2015) soo saaray Xisbiga Waddani waxa ka mid ahaa: “Saddexanka isku-raranta aan la mahadin ee kala ah Xukuumadda, Xisbiga Kulmiye iyo Dawladda Hoose ee Gebilay, dheecaankii wadhatada laga soo nuugay ayay qorshayaal dhagareed ku maal-gelinayaan. Ceebtood ma aha ee waa caadadood.”
“Farriimahan sadhaysan, xajiimaysan ee xanafta leh ee doollarka lagu laabayaa waxay horseed u yihiin in dalku kala googo’ oo qolaba meel sheegato sidaasna Xisbinnimadu ku baaba’do!”
Farriimaha kale ee lagu sheegay war-saxaafadeedkii uu X isbiga WADDANI shalay soo saaray oo run ahaantii gef ku ahaa caqliga suuban iyo garashada feyow ee ummaddeena iyo weliba magaca, sharafta, wadajirka iyo dareenka ummadnimo ee mideeya bulshada samaha jecel ee Jam.Somaliland, waxa ka mid ahaa: “Xukuumadda iimaanka-daran ee miyi iyo magaalaba murdisay waxa ku fillaa in ay soo bandhigto waxqabadkeedii 7da sannadood ee ay xilka haysay oo ay ku ladho ballan-qaad kale. Waa fursad annaan helin annagu oo ay na dheer yihiin.”
“Dhaqan-xumada iyo dhalan-darrada reer Gebilay uma ay dhalan ee waxa baday xukuumaddan abaalka daran ee dhaqanka suubban iyo akhlaaqiyaadka diineedba ka arradan.”
Falalka dhaqan-xumada ah ee lagaga hadlay war-saxaafadeedkaa yool habaabay ee uu shalay sii daayay Xisbiga WADDANI, Xukuumadda JSL ee uu gadh-wadeenka ka yahay Madaxweyne Axmed Silaanyo wax shaqo kuma laha abaabulka iyo suurto gelinta falalkaa iyaga ah, cid kasta oo ku kacda falalkaa noocaas ahna Xukuumaddu way ka soo horjeedaa.
Xisbi uu hunguri ka hayo hanashada hoggaanka dalka ugu sarreeya, looma baahna inuu isaga laftiisu carqalad ku noqdo wax kasta oo horumar iyo wanaag ah oo ummadda u soo kordha, cid kastaba ha qabatee. Nasiib darro, Xisbiga WADDANI wuxuu mar walba u tafo-xaydan yahay in tallaabo kasta oo xagga wanaagsan loo qaado ay ummadda ugu tarjumaan sida qaldan, si shacbiga iyo Xukuumadda la iskaga horkeeno. Hab-dhaqanka noocan ah waxa uu keliya sii fogaynayaa kalsoonida ay bulshadu ku qabto Xisbiga WADDANI iyo taageerada ay Xisbi ahaan ka filan karaan cod-bixiyeyaasha oo iyagu ah kuwa ay ku xidhantahay guusha iyo guul-darrada Xisbi kasta.
Guntii iyo gebagabadii, Hamuumta loo qabo Kursiga dalka ugu sarreeya laguma hanan karo cay, aflagaado qaawan iyo mucaaridnimo ku salaysan xaalad-abuur.
Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI waxa looga fadhiyaa:
Inay la yimaadaan Hadaf iyo Himilo siyaasadeed oo ku salaysan dal jacayl dhab ah, iyagoo mudnaanta iyo muhimadda koowaadba siinaya danta qaranka.
Inay ka fogaadaan wax kasto oo magac-xumo, sumcad-darro iyo meel ka dhac ku ah ee haybadda qarankeena.
Waxa looga fadhiyaa inay la yimaadaan isku kalsooni, dhaqan-wanaag siyaasadeed si ay quluubta iyo maskaxda bulshada wanaag u gashadaan, balse aanay mar walba la soo taagnaan cay iyo aflagaado ka arradan dhaqanka suubban iyo akhlaaqiyaadka diineedba.”

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.