WorldRemitAds
Hargeysa, Somaliland, December 7, 2015 (Saxafi)-Dawladda hoose ee Hargeysa, ayaa shalay olole nadafadeed ka bilowday magaaladda Hargeysa, waxaanay ololahaasi kala qaybqaadanayey ciidanka qaranka Somaliland.

Ololahan nadaafadeed ee qashinka lagu gurayey ayaa ayaa waxa hogaaminayey maayar ku xigeenka caasimadda iyo xoghayaha dawladda hoose, kuwaas oo degmooyiin badan oo ka tirsan caasimada ka ururiyey qashin badan.
Ciidamada Militariga Somaliland ayaa iyaguna qayb weyn ka qaadatay ololahan nadaafadeed, waxaanay shaqaddii ay qaranka u hayeen ku darsadeen tii nadaafadeedka, waxaanay talaabadan soo dhoweeyey dadweynaha magaaladda Hargeysa oo ku diirsaday ololahan nadaafadeed ee ciidanku ka qaybqaadanayo.
Ciidanka QarankaSidoo kale, xildhibaanadda golaha deegaanka Hargeysa ayaa iyaguna qayb weyn ka qaatay ololahan nadaafadeed oo toddobaadkiiba dhawr degmo qashinka lagaga ururin doonno.
Maayar ku xigeenka Caasimadda Cabdicasiis Maxamed Xaashi Cago Weyne ayaa sheegay in ololahan loogu magac daray saxar qaad, isla markaana si toos ah uga bilowday waaberigii shalay qaybo badan oo caasimadda ka tirsan.
Xoghayaha dawlada hoose IBraahim Raabi ayaa iyaguna sheegay in ololahan toddobaad walba socon doono, isla mrkana ka qaybqaadan doonaan ciidamada kala duwan oo toddobaadba ciiddan la shaqayn doonno Dawladda hoose ee Hargeysa.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Waran Cadde oo ay wehelinayaan masuuliyiinta dawladda hoose Hargeysa ayaa kormeer ku soo maray siday shaqadu u socoto iyo sida ciidanka qaranku uga qaybqaadanayey ololahan nadaafadeed.
Wasiirka ayaa soo dhoweeyey ololahan nadaafadeed, waxaanu ku booriyey masuuliyiinta dawladda hoose inay halkaasi ka sii wadaan ololahan si magaaladdu u noqoto meel nadaafadeed,isla markaana ula tartanto caasimadaha dalka.
Dhinaca kale, wasiir Waran Cadde iyo maayar ku xigeenka ayaa shalay furay laydhadhka ku shaqeeya qoraxda oo hay’addi ku caawisay, isla markaana laga taagay wadadda labaad ee caasimaddda jidka daba mara cisbitaalka guud ee Hargeysa.
Wasiirka ayaa sheegay in laydhadhkan qoraxda ku shaqaynayaa bilic ku soo kordhin doono caasimadda, isla markaana iftiin u yeelan doonto dadweynaha, isagoo xusay in dhamaan magaalooyinka waaweyn lagu sameyn doono laydhka qoraxda ku shaqeeya.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.