WorldRemitAds

Xaaska Maalqabeenka loo doortay Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga Maraykanka Donald Trump, ayaa khudbadii ay ka jeedisay shirweynaha xisbiga Jamhuuriga ee Degmada Cleveland ayaa ku fadeexadooday, si wayna warbaahinta dalka Maraykanku ugu canbaaraysay.

Melania Trump, oo awalba la dhibanayd, khudbadaha cunsuriyada iyo nacaybka ku salaysan ee odaygeeda, ayaa iyaduna badhtanka ugu dhacday, fadeexad cusub oo siyaasadeed, taas oo ka soo gaadhay, khudbadeeda ay ka soo dheegatay tii xaaska Madaxweyne Obama sanadkii 2008-dii, ka jeedisay, shirweynihii xisbiga Dumuqraadigu Musharaxnimada Xisbiga ugu caleemo saaray odaygeeda.

Michelle Obama ayaa wakhtigaas khudbadeeda kaga hadashay, daacadnimo iyo dedaal ay mar walba la garab taagnayd odaygeeda tan iyo markii ay is guursadeen, wada jirna ay ugu soo dhaqmayeen tix gelin iyo isu tanaasul ay ilaa dadka kale ee Maraykan kula dhaqmaan.

SomlegalAds

Michelle Obama waxa kale oo ay khudbadii 2008-dii ay ka jeedisay shirweynihii Dumuqraadigu ku doortay odaygeeda, si wayn ugu iftiimisay, kartida iyo dhaqan wanaaga odaygeeda, waxaanay tidhi, “Waxaan ku kalsoonayahay, In Obama si dhabb ah u guto waajibkiisa shaqo, kana run sheego hadalkiisa, tix gelina uu siiyo dadka si wayna uu u qadariyo la dhaqanka bulshada iyo rayiga dadka kale.

Xaaska Musharaxa muranka badan ka dhaliyay dalka Maraykanka ee Xisbiga Jamhuurigu doortay, salaasadii todobaadkan, ayaa sida warbaahinta kala duwan ee dalka Maryakanku ku warantay, si buuxda u soo dheegatay khudbadii Marwada Koowaad ee Madaxweynaha Maraykanka Michelle Obama sideed sanadood ka hor fagaare il yartu is qabatay ka akhriday.

Melania Trump, waxay si dhamays tiran u soo dheegatay, (Copy), qaybihii ugu muhiimsanaa ee Khudbadii Michelle Obama kaga hadlaysay dhaqanka, kartida iyo geesinimada odaygeeda, kuwaas oo runtii ahaa weedhihii ruxay shirweynihii Dumuqraadiga ee sanadkii 2008-dii lagu doortay odaygeeda.

Khudbadaas ayaana ahayd tii ugu horaysay ee shacabka Maraykanka iyo Michelle Obama isku barteen, waxaanay shacabka Maraykanka badankoodu qireen wakhtigaas, in Obama iyo xaaskiisuba yihiin dad af-tahano ah oo cod kar ah.

In kastoo khudbada ay jeedisay Melania Trump ay dad badani u sacab tumeen, haddana waxa fadeexad wayni ka qabsatay, markii warbaahintu cadeeyay inay qaybaha ugu muhiimsan ee khudbadeeda ka soo dheegatay, oo ay ka xaday, khudbadii Marwada Koowaad Ee xaaska Madaxweyne Obama Jeedisay sanadkii 2008-dii, waxaanay jariiradu ku tilmaantay ceeb iyo indho adaynimo aan la qiyaasi Karin, waxaanu wargeysku soo daabacay, khudbadii Michelle Obama iyo ta xaaska Trump Jeedisay sida ay isugu midka u yihiin.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.