WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, June 25, 2018 (Saxafi) – Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay sida ay u arragto shirka buurta Gacan Libaax uga furmay beelaha Garxajis.

Xukuumadda Somaliland Sidee Ayay U Aragtaa Shir Beeleedka Buurta Gacan Libaax?
Wasiirka Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Somaliland, Boos Mire Maxamed

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Boos Mire Maxamed ayaa sheegay inaanay xukuumadu balo u arag shirkaas ka furmay Gacan libaax, waxaanu yidhi “Shirka ka socda buurta Gacan Libaax waa shir ay leedahay beel ka mid ah beelaha waaweyn ee Somaliland, anaguna xukuumad ahaan waxaanu u aragnaa shir ay beeli qabsatay, wax aanu tarno mooyaane wax aanu dawlad ahaan yeelaynaa ma jirto.”ayuu yidhi wasiir Boos oo la hadlay eryaltv.

SomlegalAds

Wasiir Boos Mire oo ka hadlaya siyaasiyiinta tagay shirkaasi  ayaa waxa uu yidhi “Shirkaas beel ayaa leh, waxa tagayna waa siyaasiyiinta, siyaasiyiintuna noocyo badan ayey kala leeyihiin oo asxaabta ayey kala leeyihiin qaar madax banana way jiraan, wixii halkaas tagayna beesha ayey ka mid yihiin cid kale oo beelaha kale ahi may tagin, anaguna ballo uma aragno ilaa hada, waxa shirayaana waa beel weyn iyada oo ay shirka fureen salaadiinta ugu waa weyn Somaliland oo suldaanka guud ee Somaliland ka mid yahay oo Suldaan Maxamed Xirsi Qani ka mid yahay, wax balo ahna kama qabno cidii doontaaba haka qayb gashee.”

Wasiir Boos ayaa soo bandhigay laba qodob oo aanay doonayn inay ka soo baxaan shirkaasi waxaanu yidhi “Maadaama oo aanu aad ugu rajo weynahay inaanay ka soo bixin laba wax, Mar haday shirayso beel ka mid ah beelaha waa weyn ee wadanku taas oo aanay suurta gal ahayn inay ka soo baxaan laba qodob oo kala ah wax qaranimada Somaliland waxyeelaya iyo wax nabad galyada wax yeelaya, beeshuna sideeda kale xaq ayey u leedahay oo hawlo badan oo gudahooda ah ayaa u yaala, haday doonaan tabashooyin ayey qabaan, diyaar ayaanan u nahay in laga wada hadlo.”

Wasiir Boos Mire ayaa ka hadlay tabashooyinka ay qabaan beesha ku shiraysa Gacan Libaax waxaanu yidhi “Tabashooyinka dawladu waa u diyaar cid ay doontaba haka yimaadaane, iyada ayaa wadankana dawlad u ah, beesha hada shiraysa iyo dawladuna dhawr goor ayey is arkeen tabashooyin badan oo ay beeshani sheegtay ayaa jira qaar badan oo layska qanciyeyna way jiraan, inta dunidu jirtana tabasho dhamaan mayso laakiin wixii tabasho ah dawlad ayaa loo yahay waana laga wada hadlayaa wixii suura gal ahna waa layskaga garaabayaa wixii kalana waa laga noqonayaa.”

Ugu dambayn wasiir Boos Mire ayaa ka hadlay fariinta uu u dirayo shirka buurta Gacan Libaax oo uu ka qayb galayo walaalkii Axmed Mire waxaanu  yidhi “Anigu gaar waxba ugu diri maayo laakiin shirku waa kaas ay beel weyn oo somaliland ahi qabsanayso labadaas qodob ee aan sheegayna midna ka fili mayno.”

Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa hore u shaaciyay in aanay wax dhib ah ka fileynin mar uu u warmayay Wariye Cabdisalaan Hereri.

Buurta Gacan Libaax ee Silsiladda Golis ayaa waxa uu maalmihii tagay shir uga socday Mid ka mid ah Beelaha Somaliland oo dega Gobolada Somaliland intooda ugu badan.

Shirkan oo ay kaga tashanayaan aayahooda isla markaana ay soo socotay qabanqaabadiisu muddo dheer ayaa si aad ah isha loogu hayaa furitaankiisa iyo waxyaabaha ka soo bixi doonaa muddo lix cisho ah uu shirkaasi socon doono oo maanta ay saddex ku tahay.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.