WorldRemitAds

Akhriste haddii aad ka mid tahay dadka isticmaala shabakada xidhiidhka bulshada ugu wayn dunida ee Facebook, ma xasuusan kartaa, intii aanay soo bixin shabakadaasi sidii caadiyan noloshaadu ahayd iyo waxa kugu soo kordhay markii aad macaamiisheeda ku biirtay?

Run ahaantii waxa aan muran ka taagnayn, inaad yeelatay saaxiibo ka tiro badan intii awal ay akhiyaartaadu ahaan jirtay, kuwaas oo u badan, kuwo aydaan meel ku wada noolaan jirin, aqoon badana aydaan isu lahayn iyo kuwo aydaan waddan iyo isku magaalo wada joogin, laakiin aad saaxiibo ahaan u aqoonsan tahay, shuruudaha saaxiibtinimadana in yar oo ka mid ah uuni kuu buuxin karto.

SomlegalAds

Sida khabiiro cilmiga bulshada ku takhakhusay oo baadhitaano iyo u kuur gal ku sameeyay, shabakada Facebook ka diyaariyeen, isticmaalka shabakadani waa mid aan qofna ka murmi Karin, in dabeecado tiro badan oo aanad lahaan jirin, ka hor intaanay soo bixin ay ku soo kordhisay hab dhaqankaaga nololeed, waxaana ugu mudan oo ay ku soo ururiyeen tobankan dabeecadood ama arrimood ee soo socda.

10 Dhaqan-Xumo Oo Facebook Ku Soo Kordhiyay Nolosha Aadamiga Artinta kowaad, Baahinta Ama Faafinta Sawirada Cuntooyinka Aad Soo Cuntay 

Ka hor intaanay shabakada Facebook soo bixin, way adkayd inaad faafiso sawiro aad ka qaaday, cunto aad jeclaystay oo aad hudheel ka cuntay ama xaaskaagu kuu samaysay iyo mid waalidkaa diyaariyay ama aad meel ka soo cuntay, haddii aad kali ku ahayd iyo haddii dad kale ku cuneen intaba way adkayd ama sida aad isugu sawirtaan waxay ahayd midaan dhici Karin.

Laakiin Facebook waxa ay dhiiri gelisay in qof walba baahiyo sawirada cuntadii uu gurigooda ama hudheelka ka soo cuntay, isaga oo danaynaya in saaxiibadiisa shabakadan iyo dadka kalaba uu wax u soo bandhigo.

10 Dhaqan-Xumo Oo Facebook Ku Soo Kordhiyay Nolosha Aadamiga Baahi Iyo Danayn Aad U Qabto In La Jeclaysto Lagana Helo Sawir Ama Ra’yi Aad Soo Bandhigtay

Dabeecadaha cusub ee nolosha aadamiga Shabakada Facebook ku soo kordhisay waxa ka mid ah, in qofku jeclaysto ama u baahdo in wax kasta oo uu soo bandhigo la xiiseeyo, asxaabta iyo dadkuna inay ka heleen ay kuu muujiyaan, run ahaantii dabeecadani may ahayn mid jirtay ama dadku baahi u qabeen ka hor intaanay soo bixin shabakada xidhiidhka bulshada ee Facebook.

10 Dhaqan-Xumo Oo Facebook Ku Soo Kordhiyay Nolosha Aadamiga Xiisaynta iyo Akhriska Wararka Oo Dhan Kala Doorashadu Ka Lunto Qofka

Toban sanadood ka hor intaanay shabakada Facebook soo bixin, dadku waxa ay lahaayeen dareen ay kaga biyo diidaan wararka aan salka lahayn ee xaqiiqada iyo in la rumaysto ka fog, laakiin hab dhaqanada cusub ee shabakadani dadka ku soo biirisay ayay ka mid tahay in qofku war kasta oo la soo dhigo uu akhristo, si fududna uu ku baahiyo.

Waa hubaal in xasaasiyadii wararka aan haboonayn dadku kaga dareen celin jireen ama kaga fogaan jireen wararka aan macnaha lahayn uu meesha ka baxay, dhamaan dadka isticmaala shabakada Facebook-na ay noqdeen kuwo ka wada siman, baahinta iyo akhriska wax kasta oo ay arkaan.

10 Dhaqan-Xumo Oo Facebook Ku Soo Kordhiyay Nolosha Aadamiga Faafinta Cunsuriyada, Qabyaalada Iyo Fikradaha Kala Qaybsanaanta Iyo Muranka Abuura

Facebook Ka Hor, way adkayd in qofku si cad ugu dhiirado, ceebaynta, cunsuriyada iyo weerar qaawan oo qabyaaladaysan, waxaanay dadku ka xishoon jireen inay si badheedh ah isu muujiyaan oo ay fagaaraha soo dhigaan, qabyaalad mutuxan, cunsuriyad iyo qadaf cid kale ku saabsan.

Laakiin dabeecadaha shabakadani soo kordhisay ayay ka mid tahay, qof miisaan wayn ku lahaa bulshadu uu si qaawan u duro, cid kale, lana badheedho, cunsuriyad, midab takoor, qabyaalad iyo fikrado kala qaybsanaan iyo muran dhalin kara.

10 Dhaqan-Xumo Oo Facebook Ku Soo Kordhiyay Nolosha Aadamiga Ku Dhiirashada Sawiro Lala Galo Dadka Caanka Ah Iyo Indho Adayg Aan Caadi Ahayn

Ka hor intaan shabakadaha xidhiidhka bulshada loo yaqaana soo bixin, xiisaynta inaad sawiro la gasho dadka qaarkood aad ayay u adkayd, waana laga xishoon jiray inaad qof kaa wayn ama aanad aqoon badan u lahayn sawir lala galo.

Balse dabeecadaha cusub ee nolosha ku soo kordhay waxa ka mid ah in qofku hamuun gaar ah u qabo, sawiro cusub oo miisaan ama tix gelin badan uu ku heli  karo, waana ta keentay in dadka caanka ah, waayeelka iyo dadka aanad aqoon badan u lahayn aad kula dhiirato codsi aad kaga dalbanayso inaad sawir la gasho, dhaqankan oo aan imika la iskula yaabin, waa hubaal in xishood yaraan iyo edeb daro loo arki lahaa intaan Shabakadaha xidhiidhka bulshadu soo bixin ka hor.

10 Dhaqan-Xumo Oo Facebook Ku Soo Kordhiyay Nolosha Aadamiga Saaxiibtinimo Iyo Isbarasho Qaab Khaldan Ku Samaysanta

Tartanka iyo u kala dheeraynta xaalad abuurka iyo Muran samaynta ka jirta facebook, waxa ay sababtay in qofba qofka uu ka xasarada iyo rabshada badan yahay, uu kaga soo caan baxo, dad badan oo aan noloshooda la rafiiqi kareena ay saaxiibtinimadiisa degdeg u codsadaan.

Waxaanay taas macnaheedu noqonaysa in qofka rabshada badan ee nolosha caadiga ah, garashadiisa iyo saaxiibtinimadiisa laga fogaadaa uu Facebook yahay qofka loogu jecel yahay, la saaxiibidiisa iyo in sifo khaldan la isku barto.

10 Dhaqan-Xumo Oo Facebook Ku Soo Kordhiyay Nolosha AadamigaFaanka Iyo Istusnimada

Waxyaabaha Facebook Dhiiri geliyay sida wayna bulshada ugu dhex faafay Faanka iyo istusnimada oo dhaqan ahaan nacaybkooda aadamigu ka siman yahay, laakiin caadi ka noqday intii shabakadani soo baxday.

Tusaale ahaan way adkayd in haddii aad gaadhi, Guri iyo alaab caadiya markaad iibsato aad ku faanto dadkana uga sheekayn karto ama u baahin karto, waxa kale oo ceeb ahayd inaad istusnimo samayso oo aad waxyaabo faan ah lagugu arko, halka ay imika caadi ka tahay in qofku shay cusub oo uu soo iibsaday uu xayaysiiyo, ama wax uu haysto uu si istusnimo ah ugu faano, cid ku ceebsataana aanay dhicin.

10 Dhaqan-Xumo Oo Facebook Ku Soo Kordhiyay Nolosha Aadamiga Isku Mashquulinta Dhaqdhaqaaqa Iyo Ficilada Saaxiibada

Intaan Facebook soo bixin, aad ayay u yarayd in qofku isku mashquuliyo ama si toos ah ula wada socon karo dhamaan ficilada kala duwan ee saaxiibadii, sida inuu qof kale bartay, inuu meel qurux badan maanta booqday iyo inuu sariir ama buste cusub soo iibsaday, halka ay imika ka tahay mid dad badani isku mashquuliyaan, kuna dedaalaan in qof aanay foolka fool isu arag waligood uu ficiladiisa oo dhan wada ogaado.

10 Dhaqan-Xumo Oo Facebook Ku Soo Kordhiyay Nolosha Aadamiga Fikrad Ka Bixinta Qoraalada

Inta badan dadku xiiso badan umay ahayn ama kumay dhiiran jirin rayi ka bixinta wararka, qoraalada iyo xaaladaha taagan, laakiin waa arrimaha shabakada Facebook dhiiri gelisay, taas oo ay dhici karto in wakaalad warareed ama hayad dawladeed ay kugu tixgeliso si mug lehna ay u baahiyaan fikrad aad ku darsatay qoraal, war iyo xog ay soo dhigeen shabakada xidhiidhka bulshada.

10 Dhaqan-Xumo Oo Facebook Ku Soo Kordhiyay Nolosha Aadamiga Qiimo Dhaca Sirta Iyo Tayada

Shabakada Facebook waxa ay fududaysay in qiimaha sirtu lunto, si fududna shaqaale iyo masuul ay sir iyo xogo muhiim ah iyagoo aan fahamsanayn u baahin karaan, sidoo kale waxa luntay tayadii iyo qiimihii la kala lahaan jiray, waana ta keentay in shay liita iyo mid tayo badani ay xiisaynta dadka u wada baahdaan oo kaliya loo soo bandhigo ama ku kala hor mari karaan inta jeer ee la jeclaystay (Like),gareeyay.

 

 

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.