WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland December 18, 2016 (Saxafi) –Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha shalay ku kala wareejiyey agaasimaha cusub ee loo soo magacaabay hay’adda shaqaalaha iyo agaasimihii hore ee xilka laga qaaday.

Munaasibad si fiican loo soo agaasimay ayaa ka dhacday xarunta hay’adda shaqaalaha ee magaaladda Hargeysa, waxa ka soo qaybgallay gudomiyaha hay’da shaqalaha dowlada Somaliland, gudoomiye ku/xigeenka, xubno ka mid ah Guddida hay’adda shaqaalaha, gudomiyaha machadka CSI, shaqaalaha hay’da shaqalaha iyo marti sharaf kale ayaa dhamantood ka qayb galay xaflada labada agaasime kala wareegayeen.

Ugu horayn waxa munaasibada ka hadlay gudomiye ku xigeenka hay’da shaqaalaha Maxamed Cumar Cabdilaahi oo si wayn ugu mahad naqay mudadii ay wada shaqaynayeen agaasimihi hore hay’da shaqaalaha, islamarkaana soo dhowayn diiraan uu kusoo dhowenayo agaasimaha cusub ee isla hay’da ee dhowaan madaxweyha Somaliland u magacabay xilka, waxa sidoo kale uu gudomiye ku xigeenku sii faahfaafin ka warbixiyey hawlaha ay qabtaan iyago dhaqaale ama mushahar wanaagsan ay shaqalaha hay’du hadanase marwalba u heelaan shaqada qaranka ay u hayaan.

SomlegalAds

“Waxani waa geed la beerayo dowladnimadu nin waliba maalinba ayuu biyo ku shubaya nin waliba maalin abqaadaya, ninba maalinba dhinac ka jarjaraya iyo nin waliba maalin ayuu in yar ku dar daraya. Mudadii aad halkan joogtay Xasanow tacabkii aanu kugu nimid waa Xasan Aadan Geedi agaasimihi guud ee hore hawshii aanu kugu nimid, shaqaalaha ayaa kaga marag furayo hoolasha quruxda badan ayaa ka mid oo daarta quruxda badan ayaa ka mid gaadiidka quruxda badan ayaa ka midda ah oo aad ku wareejinayso ayaa ka mid ah”ayuu yidhi gudoomiye ku xigeenka hay’adda shaqaalaha Maxamed Cumar.

hayadda-shaqaalahaAgaasimihi hore hay’ada shaqalaha dowlada Somaliland Xasan Aadan Geedi ayaa isaguna mahadnaq balaadhan u direy madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, gudomiyaha hay’adda shaqaalaha, ku xigeenkiisa iyo dhamaan shaqaalaha waynaha hay’adda shaqaalaha isago sii wayne usoo dhoweeyey agaasimaha cusub ee dhowaan loo soo magacaabay xilka, waxana uu hadalkiisa uu dhigna sidan “Agaasimaha guud ee cusub Maxamud Ismaacil tafadal gacmo furan ayaan kugu soo dhoweynayaa calool xaadhan ayaan kugu soo dhoweynaya qalbi fayoow ayaan kugu soo dhoweynayaa, xaasha ah sida dadka qaar kuma arkayo nin ninkii xilka ka qaaday calafkaygii ayaa iga dhamaday.Waxa aan kugu wareejinaya agabka xafiisyada, baabuurta, guryaha iyo shaqaalaha ayaan ku fasiraya xubin xubin sida ay tahay ayaan kaga dharginaya aad ku qanci kartid.”

Agaasimaha guud ee cusub ee hay’adda shaqaalaha dowlada Somaliland Maxamuud Ismaacil Cilmi ayaa isaguna mahadnaq balaadhan usoo jeediyey madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland iyo sidoo kale masuuliyinta iyo shaqaalaha hay’da shaqalaha sida wanaagsan ay usoo dhoweeyeen.

“Hay’adda shaqaaluhu waxa ay ku abtirsatay cadaalada qodobka ugu muhiimsan waxa weeye cadaalada ayaa la sheegay oo cadaalada loo wada baahan yahay, inshaa Allah waxa aan rajeynaya in halkii kala qabsado oo aanu sii horumarino. Shaqaalaha hay’adda dhamaan ba halkan ba la idin kii sheegay, waxa inuu ballan ah wada shaqayn,” ayuu yidhi agaasimaha cusub.

Ugu dambayntiina, gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha dowlada Somaliland Sharmaarke Axmed Muxumed Geele isago sii qoto dheer ka hadlay mudadii uu xilka hayey ay wada shaqeynayeen agaasimihii hore hay’adda dowlada isago agaasimaha guud ee dhowaan xilka loo soo magacaabay soo dhowayn diiran ku soo dhoweeyey, waxaana hadalkiisu uu dhigna sidan “Agaasimaha cusub waanu soo dhoweynaynaa anago agaasimhi horena sii walaaltinimo iyo kalgacal ba ayaanu si sagootinayna, sagootin mayno qof sidaa u qiimo badan lama sagootiyo agteena ayuu ka dhowaan oo mar walba gacanteena ayuu noqon. WIxii talo iyo tilmaam uga bahano, dadka waxa lagu direy in marka ay nidaam qabtan yidhaahdan waxa aan yimid meesho sidan iyo sidan. Laakinse, waxa uu ka tegii doona isago wanaajiye keena cusub ee yimadana waxa aan rajeynaya in uu ku dhiirigeliyo wixii kii hore ba uu qabtay in uu sii horumariyo.”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.