WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, December 18, 2016 (Saxafi) – Wasiirkii hore ee Khaarajiga Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar iyo Aqoonyahan Maxamed Cali Bile, ayaa u yimi dalka ka qaybgalka shirweynaha Garabka Dhallinyarada heer Qaran ee xisbiga KULMIYE oo si rasmi ah uga furmaya Hargeysa maanta.

Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga KULMIYE iyo Aqoonyahan Maxamed Cali Bile oo hadda ku biiraya xisbal-xaakimka, ayaa labadoodaba lagu soo dhaweeyey madaarka diyaaradaha Hargeysa shalay, iyadoo halkaasi ay ku qaabileen masuuliyiin ka tirsan KULMIYE iyo xukuumaddiisa.

Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE Md. Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere) iyo Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Waxbarashada Axmed Nuur Faahiye oo iyagu hormood u ahaa masuuliyiin iyo dadweyne soo dhaweeyey labadan aqoonyahan, ayaa hadallo kooban oo ay ka jeediyeen halkaasi waxay ku tilmaameen maaqeemka xisbiga ay ka taagan yihiin iyo kaalinta ay kaga jiraan, waxaanay uga mahadceliyeen ujeeddada ay dalka u yimaadeen ee ah inay ka qaybgalaan shirweynaha Garabka Dhallinyarada xisbiga ee heer Qaran.

SomlegalAds

Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE Md. Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere) oo si gaar ah uga hadlayey Maxamed Cali Bile, ayaa ku tilmaamay inuu yahay aqoonyahan xisbiga KULMIYE raadinayey muddo gaadhaysa ilaa shan sanno sidii uu u kasban lahaa, isla markaana uu ay iminka ku faraxsan yihiin inuu ugu dambayn ka mid noqdo xisbiga.

Dhinaciisa, Aqoonyahan Maxamed Cali Bile, ayaa isna halkaasi ka shaaciyey inuu wax la dhisayo xisbiga KULMIYE oo uu ku tilmaamay inuu yahay midka ka midho-dhalin kara guul horumarineed oo Somaliland la gaadhsiiyo, waxaannu yidhi, “Xisbiga dan baa na soo kala gashay in aan ka mid noqdo KULMIYE, waxna ka dhiso oo hore u mariyo, hadday wax ka khaldan yihiina la saxo, hadafkayguna maaha oo keliya xisbiga KULMIYE ee waxaynu u soconnaa Somaliland dhammaanteen haddaynu KULMIYE nahay ama dhallinyarada nahay iyo haddaynu dadkeenna la tuhmayo nahayba in dalkeenu horumar iyo barwaaqo ka fiican ta maanta gaadho ayeynu u dadaalaynaa, KULMIYE-na wuxuu noqday dariiqii loo sii marayey oo aan u malaynayo inuu yahay xisbiga guusha keeni doona.”

Geesta kale, Wasiirki hore ee Wasaaradda Khaarajiga Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa isna ka hadlay shirweynaha Garabka Dhallinyarada heer Qaranka ee KULMIYE oo uu sheegay in lagaga wadahadli doono qorshayaasha horumarineed ee ku wajahan dalka iyo dhallinyaradaba, “Shirweynaha dhallinyarada heer Qaran ee xisbiga KULMIYE waa shir ballaadhan oo lagaga hadlayo aragtida iyo hiigsiga xisbiga ee xagga dhallinyarada iyo doorka ay ka qaadanayaan arrimaha qaranka iyo sidii iyaga mustaqbalkooda iyo rajooyinkooda loo soo bandhigi lahaa ee si wanaagsan looga doodi lahaa, waxaannan shirkaa u rajaynayaa guul,” ayuu yidhi Maxamed Cabdillaahi Cumar.

Waxa kaloo uu sheegay in beesha caalamku ka warqabto xaaladda adag ee abaarta ka taagan dalka Somaliland oo xukuumaddu gaadhsiisay warkeeda, waxaannu yidhi, “Waxaynu ku jirnaa xilli adag oo abaari ka jirto gobollada dalka qaarkood, arrintaas beesha caalamku ma mooga oo farriintaasi waa mid xukuumadda Somaliland gaadhsiisay, waxaannuna rajaynaynaa arrintaa in dalka iyo shacabkuba jawaabo wanaagsan ka heli doonaan.”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.