WorldRemitAds
Aktarada caanka ah ee Angelina Jolie ayaa si ba’an u weerartay kooxda Dacish (ISIS), oo ay ku eedaysay, kuwo aan wax aqoon ah u lahayn Quraanka Kariimka ah iyo macnihiisa, sababta ay dadka u laynayaana aqoon la’aantooda diinta Islaamka ay tahay.

Aktarada Reer Maraykan ayaa tusaale u soo qaadatay, sheeko ay ku tilmaantay mid dhabb ah, oo dhex martay, dagaal yahanada kooxdaas iyo lamaane kiristaan (Masiixiyiin ah) oo ay qabteen, kuwaas oo si layaab leh uga badbaaday, waxaanay tilmaantay in qisadan ay soo werisay, daliil cad u tahay aqoon la’aantooda diinta Islaamka, gaar ahaan Quraanka Kariimka.
3750227455Angelina Jolie oo weerarkeeda kooxda Dacish iyo sheekada qoyska masixiyiinta ah ee dilkooda ka badbaaday, ku baahisay bogeeda ay shabakada xidhiidhka bulshada ee Twitter-ka ku leedahay, waxa ay sheegtay in kooxda (ISIS), argagixiso tahay, meelna aanay Islaamka ka soo gelin oo xitaa aanay Quraanka iyo macnihiisa midna aqoon.
Iyada oo cadayn ka bixinaysana waxa ay tidhi, “Haddii ay Quraanka Kariimka iyo Macnihiisa Garanayaan, may dileen dadka, waxaana taas u daliil ah, lamaane masixiyiin ah oo ay dhawaan qabteen dagaal yahanada kooxdaas, ayaa waydiiyay inay Islaam yihiin, ka dibna odaygii ayaa ugu jawaabay, Haa, waxaanu nahay muslimiin.
Mid ka mid ah dagaal yahanada kooxda daacish ee reerkan masixiyiinta ah qabtay, ayaa si uu cadayn uga helo, sheegashadooda inay muslimiin yihiin, waydiiyay, inay akhriyaan aayad ka mid ah suuradaha Quraanka Kariimka, ka dibna odaygii ayaa akhriyay aayad ka mid ah Baybalka.
Markii uu dhamaystay, ayuu ninkii Daacishka ahaa ku yidhi, waad ka soo baxdeen ee iska socda, walibana wuxuu u raaciyay, Nabad galyo ku noolaado walaal.
Markii ay ka tageen, ayay ninkii baadariga ahaa xaaskiisu waydiisay, sababta uu halista u geliyay ee walibana uu beenta uga sheegay diintooda? Laakiin ninkan oo si fiican u garanayay ayaa si kalsooni leh xaaskiisu ugu jawaabay, ha ka baqanin kuwani diin ma yaqaanaan, oo inamay garan karteen, waayo? Haddii ay garanayaan Quraanka Kariimka iyo macnihiisa dadkaba may dileen.
Sheekadan ay aktarada Angelina Jolie u soo daliishatay aqoon la’aanta Daacish ee Quraanka Kariimka iyo macnihiisa, ayaa si wayn loo jeclaystay, waxaanay dadku la boobeen baahin iyo inay isku gudbiyaan.
Daliil wanaagsana waxa ay u noqotay canbaaraynteeda kooxda Daaich, oo ay si fiican ugu cadaysay in haddii ay macnaha Quraanka Kariimka garan lahaayeen aanay dadka laayeen oo aanay dileen.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.