“Anagu Dagaal Wakhti Dheer Ah Iyo Mid Gaaban Toona Diyaar Uma Nihine Difaac Ayaanu Ku Jiraynaa” Madaxweyne Muuse Biixi

PropellerAds


“Annigu marka wax yimaadaan dadka waan shiriyaa, dadkana waxba ma dheeriye qof caadi ah ayuun baan ahay,…Go’aanka la qaatana,”


“Xadhiga Buurmadow Xeer Buu ku yimid, mana odhan karro anigu intaan hay’addaha fara geliyo hebelna sharciga halagu qaado hebelna halaga daayo”


Hargeysa, Somaliland, May 27, 2018 (Saxafi) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa si adag uga jawaabay su’aallo saameeya xaalada dalka guud ahaan, gaar ahaan go’aan qaadashadiisa iyo dagaalka deegaanka Tukaraq.

Madaxweynaha oo ugu horayn ka hadlay xaaladda Tuka-raq ayaa yidhi “Dagaalka ay Soomaaliya ku soo qaaday Somaliland, waxa aanu u aragnaa dagaal ay wadaan dawlada Muqdisho ka dhisani waxaad idaacadaha dadka weriyeyaasha ah iyo saxaafaddu ay inta badan isticmaasho aan maqlay iyagoo leh Puntland iyo Somaliland, Puntland iyo Somaliland isma hayaan waa laba deris ah, waa dad isku mida, wax alle wax colaada oo taariikhiyan uga dhaxaysay oo jiraana ma jiraan”waxana uu taas daliil uga dhigay doonis ay doonayaan inay Somaliland dib u qasbaan.

 Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi madaxweynuhu “Somaliland nabad ayey ku aas aasan tahay dhexdeedana nabad ayey ku dhamaysatay wax kastoo khilaafoo yimaada, dhan walba khilaaf waa yimaadaa la diidi maayo khilaafka, Somaliland khilaafyo way leedahay, binu-aadamka noloshiisay ka mid tahay qoyska, innanka, hooyada, aabaha iyo inanta is dhalay ayaan khilaaf ka yimaadaa dadka wada shaqeeyu ka yimaadaa, shirkaduhuu ka yimaadaa, khilaafku nolosha binu-aadamkuu ka yimaadaa, qabaa’ilkuu ka yimaadaa, deegaamadu ka yimaadaa wuu innala nool yahay, binu aadamkana waxa uu ilaahay xil u saaraa inuu khilaafaadka xaliyo iyo dhibaatooyinka kale ee ka hor yimaada markaa Somaliland dhibaatooyin badan ayaa ka hor yimaada, gudeheeda, dibedeeda, dabeecad ahaan iyadaa xalisata, waayo Somalilanderku waxa uu aaminsan yahay inuu nabad wax ku noqon karro,” Ayuu yidhi, waxaana uu raaciyay, “Somaliland waxay waxeeda u hurtay oo ardaygu iskuulkiisi uu ka heli lahaa u la’a yahay, oo caafimaadku dawadiisi u la’a yahay waxa weeyi 800km ayey nabadgelyada ku ilaalisaa, xuduudaha wadamada ay jaarka yihiin oo dhan ayey ku ilaalisaa, ka Itoobiyaa ugu dheer waxaan nabad ahayni ugama gudbo, ka Jabuutibaa jira waxaan nabad ahayn loogama gudbo, kaa dawladaa federaalka Soomaaliya ee maamul goboleedka Puntland ugu sokeeyo oo aynu xad dheer la leenahay Soomaaliya ayaa inoogu horaysa wax colaada oo ka dhaca, maantana waxa la keenay waa colaad laga soo raray Muqdisho”

Suxufiyiinta Warbaahinta ee su’aalaha weydiiyay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynuhu isaga oo ku guda jira shirkiisa jaraa’id waxa uu ka hadlay ciidanka Somaliland ee ku sugan Tuka-raq waxaanu yidhi “Sidaa darteed ciidankeenu wuxuu tegay Tuka-raq bishii January 8- keedi, dad badan ayaa yidhaahda muxuu ciidanka Somaliland Tuka-raq u tegay, ciidanka Somaliland Tuka-raq waxa uu tegay 2013 kii, wuxuu tegay 2015 kii, waxa mar degay ciidanka Khaatumo ee maanta Somaliland la safan ee ka hortegay Puntland ayaa degay, wuxuu uga soo noqdaa meelaha uu dego ciidanku xiliyada abaaraha, jilaalada iyo guyaalada, roobabka wuu aag bedeshaa,”. Ayuu yidhi waxaana uu sheegay in dastuurku ku waajibayay daafaca dalka.

 Mar uu ka hadlaayey duulaanka ciidanka Maamulka Muqdisho waxa uu madaxweynuhu yidhi “Shan iyo todobaatan (75km) ayey ka soo duulaan ciidankaasi halkaasu ku soo weeraraa ciidanka, markii laga wada hadlay ee dhawr jeer la yidhi ciidamaa ka soo baxaya Garoowe oo waxay diidan yihiin inaad Tuka-raq timaadaan oo Soolba soo gashaan, halkaa Tuka-raq ayaanu joogsanay oo waxa aanu ku nidhi Somalilandna waanu joognaa xadka yagiina 75 km baa ka hadhay jid bixiye ayaanu nahay maxaad qoonsateen, Muqdisho, madaxweyne Farmaajo ra’isal wasaarow maxaad qoonsatay, jawaabta soo baxday waxay ahayd, waxaad ku jirtaan dhul aydaan lahayn  oo xadadkii isticmaarkii miyaa la bedelay, haddii xadadka isticmaarka la bedelo Ffrikaba dee way isku dhex yaacaysaa caalamku kiibuu ku dhisan yahay, state ka Xamar ee aynu imika maqalno ee la yidhaahdo Jubboland iyo koonfurta Baydhabo iyo Hiiraan iyo jawhar iyo galmudug iyo Puntland waxay ku salaysan yihiin xuduudkii lixdankii markii uu ka tegay Talyaanigu ay u kala qaybsanaayeen” Ayuu yidhi.

Dhinaca kale mar uu ka hadlaayey siyaasiyiintii ugu waa weynaa ee gobolka Sool waxa uu yidhi madaxweynuhu “Siyaasiyiintii ugu waa weynaa reer Sool ee jabhadaha Sameeyey ee ciidamada abuuray Somaliland ka soo horjeeday waanagii nabad ku heshiinay SSC waad ogtihiino Xagla-toosiye ayaa ka gudoomiye ahaa, Khaatumaa laba ahayd oo intay Tuka-raqdaa degtay aynu ciidan ahaan isaga hornimid 2015kii, waakan Cali Khaliif maanta markaynu heshiinay Somaliland oo dhan iyo deegaanadaa Sool iyo Sanaag bari ayey waxay noqotay inaynu xadkeeni nabadgelyo ku gaadhno, maxaynu u gaadhaynaa xadkeena si dadkeenu nabadgelyo u helo si mashaariic loo doono caalamkuna dhul nabad ah ayuunbaa wax laga qaban karaaye, si dadku u dego si riigag loogu qodo si iskuulo loogu dhiso, si caafimaad loo sameeyo waa in nabada xadkeeda la soo xidhaa, waxyaalaha dhacaaya waxa ka mid ah bishan dhexdeedii weerar laga soo diray Puntland oo afar gaadhi oo Tikniko ah oo ka yimid Garoowe ayaa waxay rasaas ka rideen Hadaaftimo oo ah xarunta Saldanada Suldaan Siciid oo aan wixii Soomaaliya dhib iyo buuq ay ku jirtay aan xabadi ka dhicin oo la leeyahay Somaliland ayaad taageeraysaa ninkii oday ah ee siyaasi ah, kii madax dhaqameeda kii wax garada ee yidhaahda Somaliland ayaan ahay ama waa loo hanjabayaa ama waxa la odhanayaa danbi baad gashee maxkamad ayaa lagu geynayaa, xanba maaha  hoosba la isugu sheegi maayee idaacadaha ayaa laysula soo fadhiistay oo aan habeen hore ka dhegeystay Garoowe, Hebel iyo hebelow ninka xagaa maraa waa dil, ka dalka ka horyimaadaa waa dil hadda waa dadkii deegaanka sidaa wax laguma qabsado, waxan u sheegaynaa taliska Muqdisho halkaa ma joogtaan idinkiiba shisheeya idin ilaaliyaa markaa ninka Sool jooga iyo ninka jooga Ceerigaabo ugu hanjabi maysaan hadaad I soo raaci waydo waan ku xidhayaa, ama waan ku xukumayaa iyo xabsi baad gelaysaa, annagu waxa aanu leenahay ka naga soo horjeeda wada hadal iyo walaalow maxay kula tahay ayaanu ku dhamaynaynaa”

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ka jawaabaya su’aalaha ay weydiiyeen weriyeyaashii shirkaas jaraa’id ka qayb-galay

Ugu danbayn waxa uu madaxweynuhu shirkiisa jaraa’id ku soo xidhay oo uu yidhi  “Waxa aan calamka u sheegayaa Somalilandna u sheegayaa, haddaanu Somaliland nahay marka horeba duulimaad ma nihin kuma duulayno cidna Garoowe weligayo ku tegi mayno colaad nabadgelyo iyo barwaaqo mooyaane taladeeda ma lehin Soomaaliyeey ka tirsan tahay waa federaalka State ka Soomaaliya ixtiraam ayaanu u haynaa horumarkeedaanu jecel nahay, dadkeeda waxa naga dhexeeya walaaltinimo iyo wanaag kuma soo duulayno, dadka leh Garoowe ayaa lagu soo socdaa kuma socono Garoowe, ma tegayno qofna wax yeeli mayno Soomaali ah ama reer Mudug ah ama reer Baydhabo ah midna colaad uma hayno, waxa la isku hayaa oo ay Somaliland hore uga tagtay waa siyaasi tiisi gabay oo dadkiisi dhibay oo annagana doonaya inuu na soo gaadho kaana ma aqbalayno la noogu iman maayo Somaliland, Xaalada maanta joogta ciidanku halkuu sideedii January degay ayuu taagan yahay ma dhaafayno cid walba waanu u sheegaynaa inta noo dhiman wada hadal ayaanu ku gelaynaa waar maxaad diidan tihiin ayaanu leenahay ku qasbi mayno qofka naga soo horjeeda inuu xabad ku qaato rayigayaga ciidankayaguna halkaasu joogayaa weerarna geli maayo xabadna u ridi maayo xagaa haddii lana soo weeraro waanu is daafacaynaa waa ku celinaynaa, nin siyaasiya oo reer Soomaaliya ahi wuxuu yidhi dagaal dheerbaa la gelayaa ku dheer iyo ku dhaw toona diyaar uma nihin, laakiin hadaad ka maarmi waydo annagu difaac uunbaanu kugu jiri intaad dheeraynayso eed dadka laynayso adaa yaqaan Annagu ku gaaban iyo ku dheer toona dooni mayno oo waa ka soo daalnay dagaal, mana qabo in qof Soomaali ahi dagaal xiiso u qabo oo miyir qabaa, go’aan kayguna arrintaa waxa uu ka yahay ciidankaygu halkaasu joogayaa nabad buu ku doonayaa cid weerari maayo xabadna ridi mayno Somaliland iyo Soomaaliyana waxa ka dhexeeya wada hadal ayaa lagu dhamayn karaa kaana diyaar ayaanu u nahay wixii gardaro nagaadhayba”

Intaas ka dib su’aalo door ah ayaa la weydiiyay Madaxweynaha. Mudane Muuse Biixi intii uu shirkaa jaraa’id ka hadlayay waxaa uu soo qaaday Xadhiga boqor Buur Madow. “Buur madow waxa soo eedeeyey xeer ilaalinta, waxaana lagu soo eedeeyey hadal uu yidhi oo aanu cidna ka qarin oo ka hor imanayey sharciga inoo dhisan, markii aanu waydiinay raga kale maxaa loo soo eedayn waayeyna waxay yidhaahdeen xaqiiq hadal ah oo ka duuban ma hayno, tagitaankuna dambi muu ahayn oo waxay wada ahaayeen Suldaano iyo Boqoro, mar walbana way tagaan oo hablo ayey soo guuriyaan, mag bay soo kala qaadaan, qolo dhexe ayey isku celiyaan markaa erayga boqor iyo Suldaan tagay muu ahayn dambi  laakiin waxa dambi ah qofkii maxaa ka yimid.”

 Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sheegay in sharciga dalka loo siman yahay waxaanu yidhi “Boqor Buurmadow waa ninkaas aad taqaanaan ee raga ah ee dadka badan hogaamiya, anigana taageerada badan iyo saaxiibtinimadu naga dhaxaysay laakiin haduu qaldamo waynu is toosinaynaa ileen waxaynu isku raacsanahay in sharcigu qabto ka ugu sareeya iyo ka ugu hooseeya, haddii sharcigu qabtay cidna laga dhaafi kari maayo.”

Sidoo kale madaxweyne Muuse Biixi ayaa ka hadlay saamaynta kaga soo noqotay xadhiga Boqor Buurmadow waxaanu yidhi “Aniga waa laygu canaantay oo qolada mucaaridka ahi waxay tidhaahdaa Buurmadow ayuu kaga bilaabay laakiin xeer ilaalin ayaa dacwaysay waana sharci soo gudbay, mana odhan karro anigu intaan hay’addaha fara geliyo hebelna sharciga halagu qaado hebelna halaga daayo, markaa xeerkaas ayuu ku yimid xadhiga Buurmadow, kuwa kallena markii aan anigu waydiiyey xeer ilaalinta waxay yidhaahdeen hal eray oo aanu ku hayno maxkamadana ku keeno ma hayno, way tageen mooyaane, tagitaankana waxay isku taagayaan Salaadiintu maalin walba way talaabaan.”

Madaxweyne Muuse waxaa kale oo la weydiiyay go’aan qaadashiisii waxaa helay iyo sababta uu mar walba dadka ugu yeedho dhacdooyinka soo waajaha, waxaana uu yidhi. “Qollada Jaraa’idka uun baa tuurtay arrinkaasi annigu miskiinkaas ayaan ahay. Ta shirka, Xigmad waliba waxa ay ina faraysaa in arrinkii yimaadda laga tashado. Waayo, waxaa la yidhi Taladu waa baadi ruux ay ku jirtana Ilaahay baa, markaa taladda waa la ururiyaa. Ilaahayna qur’aanka ayuu inoogu sheegay oo haddaad goosataan arrin ku adkaysta. Markaa, annigu marka wax yimaadaan dadka waan shiriyaa, dadkana waxba ma dheeriye qof caadi ah ayuun baan ahay, taladuna iima wada muuqan kartee waan ururiyaa, laakiin, go’aanka aynu wadda qaadano waan kuu xajinayaa.”

Waxaana uu sheegay in go’aamadda reer Somaliland wadda gaadheen uu ka mid yahay in xuduudka la sugnaa, taasna uu ku adag yahay.

Leave a Reply (Wixii Talo ah noo soo gudbi)

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.