“Waxaanu Ka Wadahadalay Wasaaradda Khaarajiga Sweden Sida Loo Hagaajinayo Nidaamka Doorasho Ee Somaliland”Guddoomiye Cirro

0
104
PropellerAds

Hargeysa, Somaliland, May 27, 2018 (Saxafi) – Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa kulan la qaatay masuuliyiin ka tirsan wasaarada arrimaha dibada ee dalka Sweden.

Guddoomiye Cirro oo dhawaanahanba socdaal ku marayey wadamo ka mid ah qaarada yurub ayaa soo bandhigay qodobo ay ka wada hadleen masuuliyiinta wasaarada arimaha dibada ee dalka Sweden.

 Guddoomiye Cirro oo ka hadlaya kulanka ay la qaateen wasaarada arrimaha dibada Sweden ayaa waxa uu yidhi “Waxaanu fursad u helnay inaanu la kulano wasaarada arimaha dibada ee dalka Sweden,waxaanu kala kulanay soo dhawayn balaadhan anaga oo kala hadalnay guud ahaan arrimaha Somaliland oo ay ugu horayso arrinta hada taagan ee duufaanada iyo daadadka ka dhacay dalka iyo khasaaraha ay gaysteen iyo inay taageero ka gaystaan iyo inay  gacan ka gaystaan guud ahaan horumarka Somaliland iyo inay fursado shaqo u abuuraan dhalinyarada.”ayuu yidhi gudoomiye Cirro oo la hadlay hctv.

Sidoo kale gudoomiye Cirro ayaa sheega inay ka wada hadleen arrimo la xidhiidha doorashooyinka Somaliland waxaanu yidhi “Waxa kale oo aanu kala hadalnay arrimaha doorashooyinka soo socda, dimuqraadiyada Somaliland iyo sidii ay gacan uga gaysan lahaayeen iyo sida loo hagaajinayo nidaamka doorasho ee Somaliland.”

Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro ayaa sheega inay ka wada hadleen masuuliyiinta wasaarada arimaha dibada Sweden arrimo la xidhiidha amaanka iyo xaalada Tuke-raq waxaanu yidhi “Waxaanu kala hadalnay xaalada nabad galyo ee ay maanta Somaliland ku sugan tahay anaga oo u xaqiijinay in Somaliland ay ku sugan tahay xuduudeedii, meesha lagu dagaalamayo ee Tuke-raq-na ay ka mid tahay Somaliland ee aanay xataa ahayn xuduudka u dhaxeeya Somaliland iyo Soomaaliya ama Somaliland iyo Puntland.”

Ugu dambayn gudoomiye Cirro ayaa sheegay  inay masuuliyiinta wasaarada arimaha dibada ku war geliyeen in somaliland mar kasta diyaar u tahay nabad galyo balse ay xaq u leedahay inay is difaacdo waxaanu yidhi “Somaliland iyada ayaa ka masuul ah amaanka shacabka iyo nabad galyada qaranka, waxaanay xaq u leedahay inay is difaacdo laakiin waxaanu ku boorinay inay arintaas ay si wanaagsan u daraaseeyaan oo ay fahmaan halka ay dhibaatadu ka jirto, waxaanan u sheegnay inaanaan dagaal durbaan u tumayn balse aanu rabno in nabad lagu wada noolaado laakiin wixii xad gudub ah aanaan ogolaan doonin.”

Leave a Reply (Wixii Talo ah noo soo gudbi)

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.