WorldRemitAds

Addis Ababa, Ethiopia, May 27, 2018 (Saxafi) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa shalay kulan kula qaatey dhiggiisa Itoobiya Abiy Axmed magaalada Addis Ababa oo uu ku joogo booqasho labo maalmood qaadaneysa.

Qoraal la soo dhigay Bogga Twitter-ka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Khayre iyo Abiy Axmed ay ka wada hadleen arrimo badan oo dan u ah labada dal iyo xoojinta xidhiidhka Soomaaliya iyo Itoobiya. “Waxaan kulan midha-dhal ah la yeeshay mudane Abiy Axmed, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya. Waxaanan ka wada hadalnay arrimo dan u ah labada dal. Waxaan isla qirnay inay naga go’an tahay xoojinta xidhiidhka walaaltinimo ee labada dal iyo shacabkooda,” ayaa lagu yidhi qoraalka.

SomlegalAds

Booqashada Khayre ee Addis Ababa ayaa ka dambeysay martiqaad uu ka helay Abiy Axmed, waxaana wehelinayay Wasiirka qorsheynta, Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda iyo xubno ka tirsan Xafiiskiisa.

Khayre ayaa Muqdisho kaga tagey Wasiirka Arrimaha Dibadda, Axmed Ciise Cawad, oo Addis Ababa uga horeeyay, una sii gogol xaadhay. Laakiin, waxaa warku tilmaamay inuu maalin ka hor socdaalkii weftigan dib ugu noqdey magaalada Muqdisho waftigii uu hogaaminayey wasiirka arimaha dibada Soomaaliya ee booqashada ugu maqanaa dalka Ethiopia. Lama oga sababta Ra’isal wasaaraha Soomaaliya uga reebey in Wasiirka arimaha dibada ka mid noqdo Waftigiisa iyadoo sida la rumeysan yahay in Muqdisho ay ka raaceen Wasiiru dowlaha Wasaarada Arimaha dibada iyo la taliyaha Madaxweynaha arrimaga dibada Balal Cismaan kuwasoo hore ugu weheliyey Axmad Ciise Cawad booqashadii uu ku tagey Addis Ababa. Waxaana loo badiyay inuu jiro khilaaf aan weli soo bixin.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa noqonaya hogaamiyihii ugu horeeyay ee ka socda dawladda Somalia ee la kulma Abiy Axmed tan iyo markii bishii April loo doortey Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, isagoo bedelay Hailemariam Desalegn oo is-casilay Febuary.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.