WorldRemitAds
Hargeysa, Somaliland December 13, 2015 (Saxafi) – “Anigu PHD ayaan sitaa oo aan ka sita dhaqaalaha waxa aan u baahanahay inaan aqoon badan oo iga dhiman inaan korordhsado wixii ku saabsan diplomasi-ga, anigu diplomasiga maan dhigan.”

Sidaas waxa yidhi Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliand, oo shalay ka furay Hotel Maansoor Shir ay wasaaradda arrimaha dibaddu soo qaban qaabisay oo lagaga arrinsanayey siyaasadda arrimaha dibadda Somaliland, kaas oo shan maalmood ka socon doona  hotel Maansoor ee cassimadda Somaliland ee Hargeysa, waxana shirkaasi lagu soo casuumay 13 danjire oo Somaliland u fadhiya dalalka dibada.

Sacad Cali Shire, Wasiirka Arrimaha Dibadda SomalilandWasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr: Sacad Cali Shire ayaa sheegay in shirkani noqonayo mid aqoon korodhsi iyo waayo arag is waydaarsi, iyadoo la falanqeyn doonno waxyaalaha hor taagan ictiraafka iyo qaababka loo mari karo sidii dalkani ictiraaf u heli lahaa.

Ugu horeyn Dr: Sacad Cali Shire oo halkaasi ka hadlay ayaa yidhi“Waxan jecelahay in aan halkan uga mahad celiyo ciddii soo qabanqaabisay iyo inta ka soo qayb gashay, waxa sharaf ah inaan maanta (shalay) uu furmo shirkan oo kii koowaad ah oo sidoo kale ay isugu yimaadaan inta dibada inoo joogta iyo madaxda ka kooban wasaarada. Ujeedada aanu isugu nimid waxa weeye waa aqoon korodhsi, waayo aragnimo iyo wada tashi aqoon korodhsigu micnaheedu maaha dadku inaanu aqoon lahayn. Marka la wakiilanayo wakilladda waxa lagu xushaa aqoon, karti iyo waayo aragnimo, laakiin wax kasto qofku uu barto wuxu uga baahan yahay had iyo jeer aqoon korodhsi ayuu uga baahan yahay. Anigu PHD ayaan sitaa oo aan ka sita dhaqaalaha waxa aan u baahanahay inaan aqoon badan oo iga dhiman inaan korordhsado wixii ku saabsan diplomasi-ga, anigu diplomasiga maan dhigan. Kulankeenu waxa uu socon doona muddo shan cisho ah oo ay 3da cisho ee hore aanu ku soo qaadan doona aqoon korodhsigan iyo waayo aragnimo qaybsiga, halka labada cisho ee dambe waxa aanu ku qaadan doonaa falanqaynta iyo lafa guurka siyaasada arrimaha dibadda ee Somaliland”.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.