WorldRemitAds
Dalka Sri Lanka ee bariga qaarada Eeshiya, ayaa rikoodh cusub ku galay, aroos wadareedyadii Isugu muuqaalka Ekaa dunida oo tiradoodu dhan tahay 126-Lamaane Aroos, waxaanay taasi u horseeday qaban qaabiyayaashii aroos wadareedka isugu muuqaalka eg, Rikoodhka buuga dhacdooyinka ugu yalaabka badan dunida ee Guinness Record Book.

Tiradan aroos wadareedyada isku muuqaalka eg, ee dalka Sri Lanka ayaa dhaafay kii ka horeeyay ee rikoodhkaas haystay, oo ahaa mid lagu qabtay gobolka Alabama ee dalka Maraykanka, kaas oo arooskani dheer yahay sodon lamaane.
Dadka badankooda ayay aad ugu adkaatay markii ay hoolkii xafladaas lagu qabanayay ay soo galeen, lamaanayaasha aroos wadareedkan lagu tilmaamay kuwa muuqaal ahaan isugu dhaw ilaa heer aan la kala saari karayn, waxaanay keentay in qof walba moodo marba lamaanaha ag maraya in ay yihiin kuwii hore u soo maray.
Arooskan ayaa marka laga soo tago lamaanayaasha la isku aroosayay, waxa kale oo wehelinayay tobanaan carruur ah iyo tobanan qaban qaabiyayaasha arooska ah, kuwaas oo ubax qaadista, galbinta iyo jiidista toobabka aroosadaha qaabilsanaa.
Qaban qaabiyayaasha aroos wadareedkan ayaa ku tilmaamay hawl aad u adkayd oo suura galnimadeedu ula muuqato, wax mucjiso ah oo aanay saadaalin karayn, waxaanay xuseen sida ay u adag tahay in rikoodh caalami ah oo ka horeeyay looga guulaysan karo, balse waxa ay mid nasiib wanaag ah ku tilmaameen, wakhtiyadii ugu danbeeyay ee qaban qaabada xafladan oo si ka dis ah loo helay labaatan lamaane oo tirada ka dhinaatay.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.