WorldRemitAds
In ka badan hal milyan oo qof ayaa u daawasho taga sanad walba, kitaab Qur’aanka Kariimka ah, oo daabacaadiisu noqonayso qarnigii 12aad, kaas oo yaala madxaf ku yaala dalka Shiinaha.

Kitaabkan ayaa waxa helay tobanaan sanadood ka hor kooxo ka tirsan culimada degaanka Salara ee dalka Shiinaha, waxaana la dhigay masaajid ku yaala degaankaas ka hor intaan sanadkii 2009-kii loo qaadin madxafka degaanka Salar oo ah deegaanka kaliya ee maamul hoosaad ka leh dalka Shiinaha, kaas oo dadka ku nool intooda badani yihiin islaam.
Degaanka Salar oo isaga hoos taga gobolka Hunhua Zhuang ee dalka Shiinaha waxa ku nool qoomiyad balaadhan oo islaam ah, waxaanu leeyahay waxyaabo badan oo khayraad ah, waxa kale oo ka jira dhul ama aataar islaami ah oo dhulkaas, laga helay wakhtiyo kala duwan, haddaba kitaabkan qur’aanka kariimka ah oo la aaminsan yahay inuu yahay kuwii ugu horeeyay ee la daabaco waxa uu ku xardhan yahay daabacaad gacanta ah oo ka samaysan dahab iyo fido si qurux badan loogu qoray gacanta.
Dadka badankooda ayaa aminsan ama ku doodaya in kitaabkani yahay kii ugu horeeyay ee la daabaco ama loo sameeyo jaldi iyo nidaamka wakhtigan kutubta Qur’aanka kariimku u qoran tahay.
Kitaabkan ayaa sidoo kale lala helay alaabooyin kale oo islaami ah iyo qoraalo ay qoreen dad dhulkaas ku noolaan jiray, todoba qarni kaas oo ay ku sheegayaan in dadka ku dhaqan dhulkaasi si rasmi ah u qaateen diinta Islaamka noqdeena umad muslim ah, waxa qoraaladani sheegayaan in duriyadooda looga baahan yahay inay ku adkaystaan oo ku dheganaadaan diinta islaamka.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.