WorldRemitAds
Hargeysa, Somaliland, March 10, 2016 (Saxafi) – Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa sheegay in marka la bilaabayo wada hadaladda Somaliland iyo Soomaaliya u dhexeeya lagu casuumo shanta Soomaaliyeed si caalamku u ogaadaan inay jiraan shan Soomaali oo Somaliland ku jirtay.

Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa sheegay in dalka Turkiga ee dhex dhexaadinaya Somaliland iyo Somaaliya aanu daacad ka ahayn madaama oo uu cadaadis ku hayo dadka Kurdiga oo doonaya inay ka go’aan Turkiga.
“Horta kolley wada hadalladu horrey u bilaabmeen in kasta oo ay aad u yara cago-jiidmeen horeba way u bilaabmeen, Madaxweynaha waxaan ugu hambalyeeynayaa inuu sameeyey guddi arrinkaa ka shaqeeysa oo u xilsaaran in kasta oo aan ku taliyey inay noqdaan 7 xubnood oo is heli kara mar walba oo uu ku jiro wasiirka khaarajigu”Ayuu yidhi Axmed Yuusuf Yaassiin.
Dhinaca kale Axmed Yuusuf Yaassiin ayaa kula taliyey dawladda Turkigu inuu noqdo oo kaliya gogol fidiye, balse aanu dhex dhexaadin Karin, waxaanu yidhi “Horta Turkigu waa inuu noqdaa gogol fidiye inuu arrinkaa dhexgalo ilama habboona, Hore waxaan u idhi Turkigu isaga qudhiisu waxaa uu garaacayaa Kurdis, haddaan idiinka ka sheekeeyo Kurdistaan waxay ku kala dhex jirtaa, sideena oo kale ayey ku kala dhex jirtaa Iraan, Ciraaq, Suuriya Iyo Turkiya”
Waxaanu intaas ku daray “Anigu waxaaban soo jeedin lahaa wixii la odhan jirey Soomaaliya iyo shanbay ahaan jireen, waxaan odhan lahaa wada hadallada danbe waa in lagu casuumaa Shantii Soomaaliya”
Geesta kale Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa soo jeediyey inay wada hadallada danbe ay goob joog ahaadaan shantii dal ee la isku odhan jirey Soomaali weyn, waxaana uu sheegay inay wada hadallada danbe ay dhex-dhexaad ka ahaadaan dalalka Talyaaniga iyo Ingiriiska.
“Waa inay Jabuuti timaadaa, Waa inay timaadaa Itoobiya (kilalka Shanaad), waa inay timaadaa Kenya (Reserve Area), waa inay timaadaa Somaliland, waa inay timaadaa Soomaaliya shantaasi waa inay immaadaan wada hadallada, Dhex-dhexaadna waa inay ka noqdaan oo ay fadhiyaan gogoshaa Ingiriiska Iyo Talyaanigu” Waxaana uu sii raaciyey”Haddii la doonayo xal Soomaali inla isku keeno shantu ha isku immaadaan, intaasina haka soo qaybgalaan”Ayuu yidhi Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaassiin.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.