WorldRemitAds
Eng. Faysal Cali Waraabe, Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ayaa laba maalmood ka hor qoraal dacwad ah oo ka dhan ah labada xisbi qaran ee Waddani iyo KULMIYE gaadhsiiyay Komishanka doorashooyinka qaranka ee haatan la daala dhacaya diiwaangelinta codbixiyayaasha dalka.

Guddoomiye Faysal ayaan indhawaaleba xisbgiisa UCID lagu arag dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo uu kula tartamayo labada xisbi ee kale, waxaanu u muuqday inuu dhaqdhaqaaqooda kala socdo warbaahinta dalka iyo tan debeddaba, waxana uu arkaa masuuliyiinta ugu sarreysa xisbiyadaasi Kulmiye iyo Waddani oo lagu soo dhaweynayo gobolada dalka marka ay booqashada ku tagaan.
Guddoomiyaha UCID oo lagu yaqaanno inuu mar kasta xaalad cusub ku soo kordhiyo siyaasadda dalka, isagoo shaaca ka qaada wixii ka khaldan dawladda, xisbiyada, guddiga doorashooyinka, baarlamaanka iyo masuulyiinta dawladda, ayaa doorkan waxa uu shiishka ku saaray sida ay taageerada intaa le’eg iyo soo dhaweynta intaa le’eg ku kasbadeen siyaasitiinta u aaminsanyahay inuu isagu dallacsiiyay una dhigay sallaanka siyaasadeed ee ay halkaa ku soo gaadheen abaalkiisiina aanay gudin, sidaa darteedna la gaadhay wakhtigii Faysal ka aargudan lahaa.
Guddoomiyaha UCID ayaa dacwadda u gaadhsiiyay Komsishanka qaranku ku saabsanayd eedeymo la xidhiidhay kaambaynkii diiwaangelinta oo ay ka dhigteen kaambayn siyaasadeed sida uu ku dooday, sidaa darteedna u doonayo in sharciga lagu soo dabaallo. Lama oga komishankan u badan Qurbajooggu inay talooyin adag ka soo saari doonaan dacwadda Guddoomiyaha UCID, lagamana sugayo inay ganaax duldhigaan xisbulxaakimka Kulmiye iyo Guddoomiye Cirro ama inay soo saaraan go’aan doorashooyinka ka saari kara labadaa xisbi, sidaa darteedna doodda ama dacwadda Guddoomiyaha UCID wuxuunbaa loo qaadan karaa “Colka Wadhaf ma lagu dayey”.
dadka la socda siyaasadda dalka ayaa dacwadahan ku tilmaamay inuu guddoomiye Faysal indhaha dadka kaga jeedinayo dib u dhacyada siyaasadeed ee haysta xisbigiisa, kaasoo waayadanba ay isla il darraayeen musharraxiintii mansabka Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, welina musharrax Madaxweyne ku xigeen u baadi goobaya, halka dad kalena arrintan ku tilmaameen inay tahay qorshe xukuumaddu wadato balse aan la ogeyn ujeedooyinkeeda, iyadoo dad kalena dacwaddan Faysal ku sifeeyeen mid uu ku doonayo inuu ku muujiyo awooddiisa siyaasadda lana dhegeysto.
Ugu dambaystiina, komishanka qaranka oo jawaab degdeg ah ka bixiyey dacwadda Faysal xafiiskoodana kula hadlay Guddoomiyayayaasha xisbiyada Waddani iyo Kulmiye ayaa amar ku siiyey inay cagta dhulka dhigaan wakhtiga diiwaangelinta. Waxaana taasi guul u tahay guddoomiye Faysal, oo umadda tusay inuu weli UCID yahay xisbi Qaran, Guddoomiye Fayalna yahay, weli masuul xisbi jira oo awood ku leh dalka, hase yeeshee Guddoomiye Faysal xisbiyada kale kaga kasbaday cadaawad aan la ogeyn halka ay Guddoomiye Faysal gaadhsiin doonto dacwadda ka dhanka ah ee xisbiga WADDANI u gudbiyey komishanka qaranka, kana miisaan culus tii Guddoomiye Faysal ka dacwoonayey.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.