Baadariyo Badan Oo Cadhada Ruushka Ku Muslimay

0
PropellerAds

Tiradii ugu badnayd ee daaciyiinta qaabilsan fidinta diinta kiristaanka ee u dhashay dalka Ukraine ayaa qaatay diinta Islaamka, ka dib markii ay wakhti dheer daraasaynayeen, sida ay sheegeen, una kuur galeen qaabka ay u nool yihiin dadka Islaamka ah, waxaanay arrintaa uga warameen shabakada Aljazeera.net.

أوكرانياKooxdan tabliiqiyiinta kiristaanka ahaa, markii hore laakiin Rabi (SW) ugu nimceeyay diinta Islaamka ayaa ka waramay sida ay kooxdoodan iyo diinta Islaamku u ahaayeen kuwo wakhti hore isku xidhmay, oo aanay ku biiristoodani ahayn mid ugub ah, waxaanay tusaale u soo qaateen, baadarigii aasaasay, dugsigoodan oo lagu magacaabi jiray Ogatangl Krimsski, kaas oo ahaa qofkii ugu horeeyay ee dugsigooda aasaasay bilowgii qarnigii aynu ka soo gudubnay, ka dibna u safray dalka Turkiga iyo waddamo kale oo Islaam ah, gaar ahaan dalalka carabta si uu aqoon fiican ugu yeesho, luuqada iyo dhaqanka muslimiinta laakiin taasi ay ugu danbayntii sababtay in isaga laftiisu qaato diinta Islaamka.

Mid ka mid ah haweenka kaniisada Ukraine oo wakhtigan la shaqaysa hay’ada qaramada midoobay u qaabilsan dhaqanka iyo dhaxalka aadamaha ee UNESCO xafiisyadeeda Paris iyo Kiev, oo lagu magacaabo, Yana Korobko oo qaadatay diinta Islaamka ayaa iyaduna sheegtay in muslimidii uu diinta Islaamka qaatay Krimssa ay ahayd mid saamaynteeda leh, oo laga bilaabo wakhtigaas ilaa imika ay kooxaha fidinta diinta Kiristaanku is waydiiyaan sababta ninkaas wayn ee aqoonta badan u lahaa diinta kiristaanku u galay diinta Islaamka.

Gabadhan ayaa tilmaantay sida isbadalka baadarigaa waynaa u gilgishay kaniisada iyo talaabooyinkii midowgii soofiyeeti ee burburay ka qaatay, arrintaas oo sababtay in la mamnuuco daraasaynta iyo barashada diimaha kala duwan, gaar ahaan kuwa samaawiga ah.

Haweenaydan ayaa xustay in barashada luuqada carabiga iyo dhaqanka dadyowga muslimiinta ahi, saamayn wayn ku yeeshay nolosheeda, waxa ay ka warantay, wakhtiyadii ay luuqada carabiga baranaysay oo toban sanadood ka hor ahayd, in mid ka mid ah macalimiinteedi afka carabigu uu la soo qaaday in diinta Islaamka ay qaadato, laakiin ay wakhtigaa ula muuqatay mid aan suura gal ahayn, oo aanay ku hamiyi karin in diintii aabayaasheed ay ka bixi doonto.

Ugu danbayntii Korobko waxa ay tilmaantay sida saamaynta afka carabigu ku yeeshay ay qayb uga qaadatay inay muslimto, sida ay sheegtay in kasta oo markii hore ay diiday in ay diinta Islaamka qaadato, cabsi ay ka qabtana waxbarashadeedi u soo wareejisatay Paris, haddana waxa nafteedu jeclaysatay inay daraasayso, taas oo ugu danbayntii keentay in ay iyadu adimadeeda ku doonato oo ay tagtay, masaajidka wayn ee Paris, halkaas oo ashahaadada loogu qabtay, waxaanay muujisay sida ay Islaamka ugu dhalatay ee labadeeda waalid iyo dhulkii ay ku soo barbaartay ugu badaleen Kiristaan.

Sidoo kale mid ka mid ah baadariyada loo tababaray in dadka muslimiinta ah ay diintooda ka saaraan, oo codsatay in magaceeda la qariyo, ayaa sheegtay in baadhista iyo daraasaynta diinta Islaamku aanay gaba gabada wada noqon karin, mid sababta in qof kasta oo daraaseeyaa muslimo, laakiin loo baahan yahay in dedaal badan la sameeyo oo tacab la galiyo, waxa kale oo haweenaydani muslimiinta ku boorisay in dhaqamada xun xun iyo gafafka diinta Islaamka ku xun ee sawirka aan wanaagsanayn laga qaadan karo, ka hadhaan si ay dadka aan muslimiinta ahayn u soo jiitaan, lagana helo dhaqanka wanaagsan iyo quruxda diintoodu leedahay.

Leave a Reply (Wixii Talo ah noo soo gudbi)

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.