WorldRemitAds

Sawiro laga qaaday laba hablood oo ka tirsan ciidamada Cirka ee Maraykanka oo naaska Nuujinaya, carruur ay dhaleen ayaa muran iyo kala qaybsanaan ka dhex abuuray, dadka Maraykanka ah, gaar ahaan waxa dooda ugu wayni ka dhacday shabakadaha lagu wada xidhiidho ee Facebook iyo Twitter. Loo yaqaan.

Askar nuujinaysa caruurtooda iyagoo ku jira aaga hore ee dagaalkaLabadan hablood oo lagu kala magacaabo Tiran Akiguin iyo Christina Luna ayaa la soo sawiray iyaga oo ku labisan, dharka tuutaha ah ee ciidamadu ku hawl galaan, mid walbana ay naaska nuujinayso ilmo ay dhashay, gaar ahaan Christina Luna oo iyadu mataano dhashay, wakhti ay dirayska xidhan tahay, kuna sugan tahay xero ciidamada cirku leeyihiin hawshaa hooyonimo qabsanaysa.

Aragtiyaha dadka Maraykanku ka bixiyay muuqaaladan ayaa ahaa, kuwo aad u kala fog, tusaale ahaan dadka qaar ayaa ku doodaya in hooyanimadu tahay waajibaad aasaasiya, haweenayduna meel kasta iyo mar kasta ay gudan karto, xitaa haddii ay ku jirto xaalad adag, halka kuwo kale oo aad doodaas uga soo hor jeedaa ay aaminsan yihiin, in tani tahay tixgalin la’aan lagula kacay labadaa dumarka ah iyo carruurtooda oo ay  haboonayd in la siiyo fasax kooban, si ay hawshan iyaga oo caadi ah sida hooyooyinka kale ugu soo dhamaystaan.

SomlegalAds

Aragti sadexaad oo labadanba ka duwan ayaa dadka qaar qabaan, kuwaas oo sheegaya in sawiradani meel ka dhac ay ku yihiin, sharafta ciidamada Maraykanka iyo karaamada dirayska, waxaanay kooxahani ku talinayaan in aan mar danbe sawiro noocan oo kale ah la baahin.

Isku soo wada duubo waxa jira dad badan oo iyagu ku doodaya in hooyada la siiyo tixgalinteeda, wakhtiyada shaqana laga badalo marka ay uurka leedahay iyo marka ay ilmaha nuujinayso intaba, sidoo kale waxa ay sawiradani daaha ka rogeen, tacadiga iyo naxiis la’aanta haweenka ee dawlada ugu wayn, waddamada ku hawlan xoriyada iyo sinaanta lamaanaha.

Sawiradan ayaa sida la sheegay waxa qaaday ururka dhiiri galinta nuujinta ubadka ee meelaha caamka ah ama dadku ku kulmaan, ee magaciisa loo soo gaabiyo, mom2mom organization for the benefit of interested women’s rights, oo ah urur ka hawl gala xoriyada haweenaydu u leedahay iyo faa’iidada ku jirta inay meel kasta ku nuujin karto ilmaha, ururkaas oo uu maamulo madaxa Organization Crystal Scott, oo in badan ka hadla in loo dhug yeesho sidii haweenka xoriyad loogu siin lahaa nuujinta ilmaha, oo meel kasta iyo markasta ay u madax baanaanto.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.