WorldRemitAds
Boorama, Somaliland, February 26, 2016, (Saxafi) – Mid ka mid ah gawaadhida ka shaqaynaysa diiwaangelinta Gobolka Awdal ayaa shaqadii lagaga fadhiisiyay ka dib markii uu hees olole ah la dhex wareegay magaaladda Boorama.

Sida uu ku soo waramay Wariyaha Saxafi ee Awdal Maxamed Cumar Sheekh, baabuurkan ayaa baahinayay heestii xisbul xaakimka Kulmiye caanka ku ahaa wakhtigii ololaha magaceeduna ahaa ‘Beeshu way harraaday”.
Gaadhigan oo ka mid ah gawaadhi u kireysnayd komishanka doorashooyinka, gaar ahaanna dhinaca wacyigelinta ayaa codbaahiyihii saarnaa heestani ka baxaysay muddo laba casho ah, hase yeeshee markii dambe ayaa dad isugu jiray masuuliyiin dawladeed iyo iyo siyaasiyiin kaleba dareenno diidmo ah ka muujiyeen maqalka heestaasi ee wakhtigan diiwaangelinta lagu jiro maadaama aan la gaadhin waqtigii ololaha siyaasadeed, sida ay ku doodeen, waxaana ay cabasho gaadhsiiyeen maamulka diiwaangelinta codbixixyaasha ee gobolka oo gaadhigaasi u kiraysnaa.
Sida warku sheegayo wax gaadhigaasi laga dejiyay codbaahiyihii saarraa, iyadoo laga fadhiisiyay shaqadii uu gudiga doorashooyinka u hayay.
Heesta ‘Beeshu Way harraaday’ ayaa ka mid ahayd heesihii badi taageerayaashii Kulmiye aadka ugu farxi jireen wakhtigii xisbigaasi ku jiray kaambaynka siyaasadeed lix sano ku dhawaad ka hor.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.