WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, August 8, 2016 (Saxafi) – Beelaha Gabooye ayaa madaxweynaha baaq usoo direy ku aadan sidii saami looga siin lahaa kuraasta baarlamaanka ee madaxweynaha la hor dhigay inuu xal u helo saami qaybsiga kuraasta.

War-saxaafadeed ay soo qoreen dadka rayidka ah ee beelaha Gabooye ayaa u qornaa sidan: “Xaqa ay muwaadiniinta beelaha Gabooye u leeyihiin inay qaybtooda ka helaan Saami qaybsiga kuraasta Golaha wakiilada Somaliland”

Mudane madaxwayne, Haddii aan ku bilaabo, taariikhda dhow oo aan dib u yara eego beelaha gabooye iyo isbedelka dhinaca ka qayngalka siyaasadda ee mudada ka badan shan iyo labaatanka sano ee ay Somaliland jirtay halka ay kaga jireen ama qaybta ay ku lahaayeen golayaasha qaranka muwadiniinta ka soo jeeda beelaha la hayb sooco ama Gabooye ee ku dhaqan Somaliland. Laga soo bilaabo, shirweynahii walaalaynta beelaha Somaliland ee Burco -27kii Abriil 1991kii oo beelaha la hayba socaa way kaga qaybgaleen goob joognimo, sidoo kalana shirkii Boraame January 1993, waxa ay ka ahaayeen isagana goobjooge, Shirkaasi oo ahaa kii ugu balaadhnaa waxay dhamaan beelaha Soomaliland kuwada dhaqani ku wada saxeexeen Axdi Qarameedkii 31-ka qodob ka koobnaa oo ay mudadiisu ahayd laba sano, labadaas shir ee hore wax cod ah ama cid ka metelaysa golayaasha qaranka kumay lahayn beelaha Gabooye ee deggen Somaliland. Shirka beeleedkii ugu danbeeyay ee lagu  qabtay Hargaysa 1997 ayay ahayd markio ugu horaysay ee beelaha Gabooye ay fursad u helaan inay ka qayb qaataan Golayaasha talada iyo hagaanka siyaasadda ee dalkooda waxaanay yeesheen markii ugu haraysay laba mudane oo ku metela inay ku yeeshaan labada aqal ee baarlamaanka ee kala ah Guurtida iyo Wakiilada, taasi oo ahayd guushii ugu waynayd ee soo marta taariikhada dadka la hayb sooco ee dalkan ku nool. Waxaa kale oo ka mid ah Guulaha la taaban karo in markii ugu horaysay taariikhda Somaliland in xilligii UDUB talada dalka ay haysay inay beelaha la hayba soocaa ay ka mid noqdeen golaha xukuumada jamhuuriydda Somaliland waxa uu madaxweyne Riyaale u magacabay wasiir ku xigeen, taasi oo ahayd tallaabo wanaagsan isla markaana ay ku dirsadeen beelaha la hayba soocaa dhamaantood.

SomlegalAds

Mudane madaxwayne, Anagoo ku hadlayna magaca dadka ama bulshada beelaha gabooye, Anagoo ogsoon kaagana mahadcelinaynaa in barnaamijka xisbiga Kulmiye, iyo qudbad sanadeedka madaxwaynaha ee  labada aqal ee sanad walba ay meel sare kaga jirtay xuquuqda ka qayb galka siyaasaada ee beelaha Gabooye ama laga tirada badan yahay, isla markaas aad hore noogu muujisay taageero badan, adigoo magacaabay guddi heer qaran ah oo kaala soo Talisa sida ay ay haweenka iyo dadka lahayb soocaaa uga qayb gali karaan siyaasaada iyo hogaanka dalka, horana ugu gudbiyay golayaasha sharci dejinta,

Hadaba, waqtigan hadda la joogo, sida aad la socoto kuma jiro hal xildhibaan oo metela beelaha gabooye aqalka wakiilada iyo golayaasha dagaanka ee dalka oo dhan, sababo badan oo jira awgeed waxa ay dadkaasi ka maqan yihiin sida aad ogsoon tahay dhamaan Golayaasha wakiilada iyo deegaanka, sidaas darteed ayay beelaha gabooye iyo haweenka dalkuba ay in muddo ah ku dadaalayeen in la helo hab sharciga waafaqsan oo u ogolaada inay ku yeeshaan beelaha la haybsooco iyo haweenkuba xubno iyaga melela oo ka mid noqda golayaasha talada dalka sida hab kuraas cayiman ah “Quota” oo loo cayimo, taasi oo aan weli la gaadhin ama ay hortaagan yihiin golaha sharci dejinta ee hadda xiligiisu dhamaaday.

Ujeedada waraaqdan sida tooska ah ugu socota madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud “Silanyo” ayaa ku aadan;  Saami qaybsiga kuraasta baarlamaanka Jamhuuriyada Somaliland oo ah arinta hadda taagan ee u baahan in loo helo xal qaran oo ummadda oo dhami ka dhex muuqato, taasi oo hore loogu xilsaaray in ay soo qaybiyan sadexda xisbi qaran iyadoo xaga farsamada ay ka taageeryeen Akadamiya hormarka iyo nabada iyo dalada iskuxidhak bulshada rayidka ah (SONSOF)  nasiibdaro way keeni waayeen wax xal ah, taasi oo ay dib ugu celiyeen madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamoud Sillanyo Inuu isagu go’aan ka gaadho.

Mudane, Madaxwayne, waxaan ku soo koobayaa waraaqdan furan ee sida tooska aannu kuugu soo qornay,  annagoo kuugu ducaynayna in ilaahay ku garansiiyo sidii aad horeba u garatay uguna dadaashay ka mid noqoshada hogaanka siyaasadda dalka ee beelahan gabooye, adigoo ogsoon inay beelaha gabooye ay muddo dheer ilaa laba iyo tobankii sano ee u danbaysay ka maqnaayeen ama ku lahayn wakiilo iyaga ka matala golaha wakiilada , taasina ay dhaxalsiisay in go,ano badan oo masiirkooda taabanaya ay ku waayaan,  sidoo kale aan codkooda la maqal maadaama aanay lahayn wakiilo iyaga metela oo baahiyahooda ka sheegta golaha baarlamaanka.

Sidaa darteed, iyadoo maanta taladiidii dalka haya, isla markaas go’aanka saami qaybsiga kuraasta aqalak wakiilada ee dooroshooyinka soo socdaa ee qaranka oo dhami kaa sugaayo in ay ka mid noqdaan oo uga muuqdaan sida xaqa iyo caddaaladda ah ee ay ula siman yihiin muwaadiniinta iyo beelaha kale inay ku yeeshaan xubno ka metela aqalka wakiilada iyo golayaasha kale ee qarankaba,  iyadoo aad dareemi karto ina aanay xaq iyo caddaalad midnaba ahayn in beelaha gabooye ay ka maqnaadaan, isla markaas aanay ka maqnaan karayn intaa in ka badan golaha baarlamaanka Somaliland.

Ururka codka haweenka beelaha la hayb sooco ee magaciisa loo soo gaabiyo VOSOMWO, Waa urur horumarineed oo waddani ah, sharciyaysan oo ay xaruntiisu tahay Hargeysa, waxaa ururka aasaasay hablo muwaadiniin ah oo ka soo jeeda beelaha la hayb sooco sanadkii 2014, kuwaasoo iskood isu abaabulay, una kacay si ay ugu adeegaan horumarinta iyo xuquuqda dadka laga tirada badan yahay. Ururku muddada uu jiray wuxuu adeegyo horumarineed oo badan  ayuu hore ugu fidiyay bulshada uu u adeego, runtiina guulo wax-ku-ool ah ayuu ka gaaadhay dadaalkiisa, waxaannu khibrad iyo waayo-aragnimo dheer u leeyahay kuna sameeyay daraasado cilmi ah dhibaatada  tacadiyada xuquuqal-insaanka, waayaha iyo duruufaha qallafsan ee ku xeeran nolosha dadka ka soo jeeda beelaha la hayb sooco ama laga tirada badan yahay ee Gabooye, oo ku nool gobol iyo degmo kasta oo ka mid ah dalkan Somaliland.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.