WorldRemitAds

Waxa dalka Britain laga helay Buug 215-sanadood ka hor la qoray oo loo malaynayo kii ugu horeeyay ee Madbacad casri ah lagu daabaco, Haweenay da’ ah oo u dhalatay dalka Britain ayaa ka heshay guri hooyadeed deganaan jirtay oo gaboobay, qoraalo iyo buugaag la qoray wakhti aad u fog, oo loo malaynayo inay noqon karaan waxyaabihii ugu horeeyay ee makiinaddaha wax daabaca lagu qoray dalkaas.

Haweenaydan oo lagu magacaabo Sylvia Seeley da’deeduna tahay 73-jir ayaa jariiradda “The Sun” ee ka soo baxda Ingiriiska u sheegtay in buugan ay ka heshay guri hooyadeed lahayd oo aad u gaboobay, kaas oo ay baadh baadhay mar hawlo nadiifin ah ay ka waday.

Buugan ayaa cimri dheerida wakhtiga la qoray ka sakow leh ahmiyad kale oo la xidhiidha waxa uu ka hadlayay qoraagii buugaas qoray oo ah, arrimaha bulshadda oo ay aad u adkayd marka loo eego wakhtigii la daabacay in qof qoraa ahii ka hadlo.

SomlegalAds

Sida warbaahinta iyo waaxda kaydka iyo alaabooyinka qadiimka ah ee dalkaasi sheegeen buugan ayaa la daabacay sanadkii 1747-kii wakhtigaas oo uu dalkaas ka talin jiray Boqor George II.

Waxyaabaha qoraaga buugani ka hadlayo ayaa la tilmaamay inay la xidhiidhaan habka ugu fiican ee loo samayo digaaga basbaaska, sinjibiilka iyo waxyaabaha aadka u kulkulul la mariyo ee la moofeeyo oo afka Ingiriisiga lagu yidhaahdo Curry.

Waxa kale oo ka mid ah arrimaha buugaasi xambaarsan yahay nolosha qoyska iyo sida waxyaabo badan oo u dan ah lamaanuhu u tahay lagama maarmaan, gaar ahaan tarbiyada caruurta.

Haddaba buugan oo sida aynu hore u sheegnay loo aminsan yahay kuwii ugu horeeyay ee markii madbacaduhu soo baxeen la daabacay, waxa uu qiimo badan ku yeeshay mawduucyada Qoraagu qaatay oo ah arrimaha bulshadda kuwo ku tacaluqa, sababtuna waxa ay tahay qaaradda Yurub oo xiligaa ku jirtay dagaalo, dhul boog, gumaysi iyo curashadii kacaanka warshadaha iyo waliba u guuristii nidaamka dawliga casriga ah.

Si kastaba ha ahaatee wuxuu noqday buugani mid ahmiyad iyo taariikh dheeraad ah u yeeshay dalka Ingiriiska gaar ahaan xiligan la helay oo ku soo beegantay wakhti dalkaas ay ka dhaceen rabshado iyo boob ay dhalinyaro aad u yar yari kula kaceen meelo ka mid ah gobolka England, taas oo aad moodo in qoraagii buugaas oo aan jariirada iyo haweenayda midna magac dhabin inuu xiligaa ka sii dayrinayo dhibaatooyinka ka dhalan kara haddii aan edebta iyo tarbiyaynta caruurta lagu dedaalin.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.