WorldRemitAds

Wararka ka imanaya dalka Hindiya ayaa sheegayaa in wasakhowgii ugu darnaa u ku habsaday dalkaas, kaas oo sababay in dad badani u dhintaan, waxaana sida wakaaladaha wararka dunidu ku waramayaan afar iyo labaatankii saacadood ee u danbeeyay dalkaas, ku dhintay dad tiradoodu gaadhayso ilaa lix iyo labaatan qof, taas oo muujinaysa in saacad kasta oo dalkaas soo gasha hal qof u dhimanayo wasakhowga hawada ee ka jira.

Dikhowga hawada oo intiisa ugu badani ka jira gobolka dadka ugu tiradda badani ku nool yihiin, ee Uttar Pradesh, ee waqooyiga dalkaas, ku yaala, ayaa wakaalada wararka Hindiya iyo Eeshiya ee lagu magacaabo, (EANES) ay ku warantay in badankiisu hadheeyay sadex magaalo oo ku yaala gobolkaas, kuwaas oo kala ah, Mirzapur, Faransa iyo Chandula, waxaanay sadexdan magaalo ahaayeen kuwa dadka ugu badani wasakhowga ugu dhinteen.

Wasakhowga hawada ee dalka Hindiya ayaa la sheegay in heerkiisu gaadhay, meeshii ugu saraysay, taas oo sababtay in wax waliba is badalaan, oo qabow xad dhaaf ah oo aan saadaasha ku jirin si degdeg ah uga dhaco, halka fatahaadaha iyo kulaylkuna ka noqdeen sanadihii ugu danbeeyay kuwo si aan caadi ahayn uga dhaca dalkaas.

SomlegalAds

Waxa dhawrkii sanadood ee ugu danbeeyay dalkaas ka dhacay, qabow xoogan oo dabayo iyo baraf badan watay oo ku fadhiistay degaankaada badanaa wasakhowga hawadu ku badan yahay, oo gobolka Uttar Pradesh ugu horeeyo, caasimadda dalkaas ee Delhi iyo magaalooyinka waaweynina kamid yihiin.

Magaalada caasimadda u ah gobolka Uttar Pradesh oo lagu magacaabo Lucknow, ayaa albaabada loo laabay, dugsiayda, jaamacadaha iyo kuliyadaha, waxa kale oo istaagay, isgaadhsiinta gaadiidka isku xidha dalkaas iyo gobolkaas, gaar ahaan kuwii cirka iyo dhulka labadaba, taas oo xaalada ka sii dartay halis badanina ka dhalatay.

Gobolkan oo ka mid ah kuwa dadka ugu badani ku dhaqan yihiin ee dalka Hindiya oo dadka ku noolna lagu qiyaaso ilaa afar boqol oo milyan oo qof, waxa daruuro madow iyo ceeryaamo qarisay hawadu sababtay in la hakiyo in ka badan sodon duulimaad oo madaarka magaalada caasimadda iman lahaa afar iyo labaatankii saacadood ee u danbeeyay, waxa kale oo shaqadooda joojiyay in ka badan sodon tareenada rakaabka qaada ah, kuwaas oo cabsida laga qabo jawigu abuurtay in la joojiyo safarkoodi ay kaga iman lahaayeen magaalada New Delhi.

Telefishanka ugu wayn degaanka ee lagu magacaabo, “Door Darshan” ayaa dadwaynaha ku dhaqan gobolkaas gaadhsiiyay digniin xukuumadu ugu sheegayso in boqol tareen iyo tobanaan duulimaad istaagi doonaan, waxaana laga baqaya in masiibooyin dabiici ahi ay ka dhacaan dalkaas iyo degaanada bariga qaarada Eeshiya oo ka mid ah meelaha uu wasakhowga ugu badani ka jiro dunida.

Dikhowga hawada ee ka sii daraya ayaa sababay dhul gariiro, fatahaado, qabow xad dhaaf ah, abaaro is daba joog ah oo dunida inteeda badan ku habsaday, waxaanay dunidu ka qaadatay xaalado lagula tacaalayo, hasayeeshe waxa waji gabax ku rida Madaxweynaha cusub ee dalka Maraykanka Donald Trump oo isagu dafiray dhibaatada wasakhowga hawada u leedahay dunida, kuna tilmaamay mid la buun buuniyay oo aan sida looga daryinayo aan gaadhsiisnayn.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.