WorldRemitAds

Xidiga Reer Masar iyo Kooxda Liverpool Maxamed Salaax ayaa dhaawac halis ah ka soo gaadhay ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Horyaalka Yurub oo magaalada Kiev ku dhexmaraysa Liverpool iyo Real Madrid.

SomlegalAds

Dhaawacan oo kalxanta garabka midig ka soo gaadhay Maxamed Salaax kadib markii uu difaaca Real ee Ramos oo khalad waadix ah ku galay. 

Maxamed Salaax ayaa isagoo ilmaynaya ka baxay garoonka kadib markay u suurto geli weyday inuu ciyaarta sii wado.

https://twitter.com/JuanDirection58/status/1000462157547421697

Wargeyska Metro ayaa daqiiqado ka hor ciyaarta soo sawiray sawir muujinaya Cristiano Ronaldo oo hoosta ka khaawisaya Maxamed Salaax intaanu garoonka gelin taas oo muujinaysay cabsida Real Madrid ay ka qabtay Maxamed Salaax, una ekayd eegmo Cawri ku dheehan tahay. 

https://twitter.com/H4ZARDCS/status/1000461942937436160

Ciyaarta ayaa weli barbaro maraysa 0-0 ay isku mari la’yihiin inkastoo ay muuqato in la tebay durba Maxamed Salaax. 

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa hadda ku soo geba-gabowday 0-0 ay barbaro isku mari la’yihiin Liverpool iyo Real Madrid. 

Qaybtii labaad ayay si weyn u muuqatay in Maxamed Salaax qayb weyn ka ahaa guul ay Liverpool gaadho, waxaanay Real Madrid keensatay goolkii ugu horeeyay, kaas oo uu daqiiqadii 52aad u dhaliyay Karem Benzema, kadib khalad uu sameeyay goolhaya Liverpool, hase yeeshee Sadio Mane oo dedaal badan sameeyay ayaa goolkii barbaraha u dhaliyay Liverpool daqiiqadii 55aad, kaas oo mar kalena birta goolku u diiday goolkii labaad, hase yeeshee Tababare Zidane ayaa bedel uu sameeyay waxa uu soo geliyay Gareth Bale, kaas oo daqiiqadihii 64aad iyo 83aad dhaliyay laba gool oo ay guusha ku heshay Real Madrid, waxaanay ciyaartii ku soo geba-gabowday 3-1 ay Real Madrid kaga guulaysatay Liverpool ciyaartii kama-dambaysta ahayd ee Horyaalka Yurub (Champions League), sidaasna ay ku hantiday koobkii Horyaalka Yurub ee Xilli-ciyaareedka 2017/18. 

Ugu dambayn waxaa isweydiin leh cawridii Cristiano Ronaldo ee Maxamed Salaax miyey shaqaysay? 

Maxamed Salaax quluubta dadka ayaa raacday, laakiin kubadda ayaa noocaas ah. 

https://twitter.com/BBCSport/status/1000457942846537729

Baraha Bulshada ayaa markiiba waxaa si weyn looga dareemay niyad-xumada ka dhalatay dhaawaca Maxamed Salaax, iyadoo aad is odhan karayso dunidaba waxay la socotay oo ay taageeraysay ciyaaryahankan Muslimka ah ee quluubta dadka intooda badan soo jiitay. 

 

 

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.