WorldRemitAds

Cilmi baadhis caafimaad oo dhawaan laga sameeyay meelo ka mid ah dunidda ayaa daaha ka rogtay in aanu caafimaadka ilmaha uurka ku jira soonku waxba u gaysan haddii cimriga sedkiisu dhaafo afar bilood.

Cilmi baadhistan caafimaad oo ay sameeyeen dhakhaatiir u dhashay dalka Turkiga oo ka socday jaamacadda lagu magacaabo University “Gaziantep” ee dalkaasi waxa ay intaa ku dartay in ilmaha aan waxba ka dhinayn xaaladiisa caafimaad ee uurka ku jira isla markaana sedkiisu gaadhsiisan yahay ilaa bisha afraad ilaa bisha lixaad aanu haddii hooyadii soonto waxba iska dhimayn koriinkiisa iyo caafimaadkiisa.

Daraasadan oo lagu soo bandhigay Hospital, Ataturk Research and Training oo ku yaala magaaladda Ankara ayaa lagu sameeyay in ka badan 40-haween ah oo sooman iyo 30-kale oo aan soomanayn, waxaana natiijadii noqotay in haweenkii soomanaa caruurtii calooshada ku jirtay aanay waxba iska dhimin xag caafimaad iyo xag koriin intaba.

SomlegalAds

Sida dhakhaatiirtii daraasadan samaysay ay sheegeen waxa haweenkan lagula socday nidaamka 3-d-ga loo yaqaan ama sadax xagalka sawirka fog ee kamarada kaas oo lagu eegayay mar walba ilmaha iyo caafimaadkiisa isla markaana waxa si aad looga taxadirayo loo baadhay caruurtaas markii ay soo dhasheen miisaankooda iyo caafimaadkooda taas oo natiijadii noqotay in soonkii hooyadood soomanayd aanu waxba u dhimin.

Sida lagu sheegay cilmi baadhistan hooyada uurka leh waxyaabaha uu ilmaheedu uga baahan yahay oo dhan waxa uu ku jiraa jidhkeeda oo uu ka heli karaa iyadu haba soomanaatee, taas oo suxuurta iyo wixii kale ay cuntay ay ka mid noqonayaan waxyaabaha ilmaha koriinkiisa ka qayb qaadanaya.

Daraasadan ayaa lagu sheegay in dhamaan 40-kii dumarka uurka leh ahaa ee soomanaa aanu waxba iska badalin habka “Oxidative stress” ee ka caawisa ilmaha koriinka iyo caafimaad qabka inta uu ku jiro uurka hooyadii. Dhinaca kale 30-kii dumarka uurka leh ahaa ee aan iyagu soomin ayaa waxa laga dareemay in qaar ka mid ah is badal ku dhacay ilmihii caloosha ku jiray oo hoos u dhac ku yimi koriinkoodi.

Cilmi baadhistan oo hooyooyinka Uurka leh ee sida mutadawacnimada ah uga qayb qaadanayay laga codsaday inay soomaan 14-cisho oo kaliye hasa yeeshee waxay cilmi baadhistu sheegaysaa in haddii wax ka badan ay soomaana aanay waxyeelo soo gaadhayn koriinka ilmaha uurka ku jira.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.