WorldRemitAds

Ceel La Helay, Somaliland September 5, 2016 (Saxafi) – Madax dhaqameed iyo cuqaal ka soo kala jeedda gobolka Maroodi jeex iyo Selel ayaa wada hadal uga socday maalmihii ugu dambeeyey magaaladda Ceel la helay, kuwaas oo ay ugu weynayd arrimaha ay ka shirayeen Lixda goobood ee dhowaan la filayo inay diiwaangelintu ka qabsoonto ee waqooyiga Hargeysa.

Wararka aanu ka helayno magaaladda Ceel la helay ayaa sheegaya in odayaashii ka socday magaaladda Hargeysa xaal ka bixiyeen dhacdadii weerarka ahaa ee lagu qaaday goob diiwaangelintu ka socotay ee Hudayta horaantii sanadkan, taas oo maxkamaddu xukuntay dadkii falkaasi geystay.

Wada hadaladdan u furmay labadda beelood ee ku muransan yahay lixda goobood ayaa la filayaa inay soo afjaranto, isla markaana si nabadgalyo ah uga dhacdo diiwaangelinta loo qorsheeyey inay deegaanadaasi ka dhacdo.

SomlegalAds

Dhinaca kale, dhowr iyo toban gaadhi oo ay ciidamada RRU-du Xanibeen oo ka baxay magaalada Hargeysa, islamarkaana u sii jeeday dhinaca iyo magaalo xuduudeedka Lowyacado ayaa shalay la sii daayay. Xaaladda Lixdan goobood ayaa u muuqata mid degan.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.