WorldRemitAds

Laascaanood, Somaliland, September 06, 2016, (Saxafi) – Xaaladda magaalada Laascaanood ayaa degen kaddib rabshado waxyeello dhimasho, dhaawac iyo khasaare maaliyadeed ah geystay oo doraad ka dhacay.

Ciidan aan badnayn ayaa shalay subax lagu arkayay deegaanadii ay doraad rabshaduhu ka dheceen, iyadoo khasaarihii soo gaadhay meello ay ka mid yihiin saldhiga booliska, wasaarada hawlaha Guud, Maxkamadda iyo deegaanada ku dhow-dhow.

Wasiir ku xigeenka cadaaladda oo ka hadlay rabshadihii ka dhacay Degmada Laascaanood ka dhacay ayaa sheegay inay gacmo kale ku jiraan kacdoonkankii gilgilay degmadaas. “Waxaa la idiin qoonsanayaa waxbarashadiina, waxaa laga soo horjeedaa horumarka socda, haddii khalad ciidanku geysteen waxbaa laga qabanayaa,” ayuu yidhi Yuusuf Af-la-haar oo ka hadlayay rabshadaha, waxaanu intaas ku daray in loo baahan yahay is-maqal iyo deggenaan.

SomlegalAds

Gobolka Sool ayaa waxaa si wacan uga socotay hawlihii diiwaangalinta, iyaddoo dhacdadani aanay wax saameyn ah ku yeellan oo badan marka la eego.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.