WorldRemitAds

Muqdisho, Somalia, September 6, 2016 (Saxafi) – Xukuumadda Federaalka Somalia ayaa shalay  soo saartay amar ay ku hakinayso diyaaradihii jaadka u keeni jiray magaaladda Muqdisho.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Somalia, Cali Axmed Jaamac Jangeli oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay si ku meel gaadh ah  u joojiyeen Diyaaradihii Garoomada Soomaaliya Jaadka keeni jiray, isagoo xusay inay dib ka soo sheegi doonaan xilliga dib loo furayo. “Diyaaradihii Qaadka Somalia uga keeni jiray Kenya, Waxaan laga billaabi salaasadda u joojinnay si ku meel gaadh ah, dib ayaanan ka soo sheegi doonnaa Waqtiga dib ay u billaabnayaan,” ayuu yidhi Jangeli oo ka gaabsaday inuu ka hadlo Sababta loo joojiyay Diyaaradaha Somalia keeni jiray Jaadka maalin walba, wuxuuna xusay in duruufo jira awgood go’aankan ay u qaateen.

Sidoo kale, Wasiirka oo u Warramayay Idaacadda VOA-da, ayaa la weydiiyay in Joojintan ay xidhiidh la leedahay  Shir-madaxeedka Urur-goboleedka IGAD oo 10-ka bishan September ka furmaya Muqdisho, waxaana uu ku dooday in aanay wax shuqul ah isku lahayn, balse arrimo kale oo aanu doonayn inuu sheego ay la xidhiidho go’aanka ay gaadheen.

SomlegalAds

Wasiirka oo la weydiiyay su’aal kale oo ahayd sida ay ka yeelayaan haddii ay Diyaaradaha Jaadka Kenya geeyaan Qaad garoomada kale ee ku yaalla meelaha ay maamulaan maamul-goboleedyada dalka ka jira, sida Baydhabo iyo Gaalkacyo, ayuu sheegay inay jirto Tallaabo gooni ah oo ay qaadayaan haddii ay taasi dhacdo.

Dhanka kale, Wasiirka Duulista Hawada Somaliland, Faysal Aadan Haybe – oo isaguna soo saaray war-saxaafadeed ayaa sheegay in go’aanka dowladda federaalka Soomaaliya ay soo saartay aanu  iyaga Khuseyn, isla markaana Diyaaradihii Somaliland Qaadka keeni jiray ay u imaanayaan garoommada Somaliland sidii caadiga ahayd.

Ugu dambeyn, Soomaaliya  ayaa ah suuqa ugu weyn ee Kenya ay u iib-geyso Jaadka ka soo baxa beerahooda, waxaana maalin walba kasoo degi jiray Garoomada Dalka Somalia in ka badan 16 diyaaradood oo sida Qaad ama Jaad kala duwan.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.