WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, September 6, 2016 (Saxafi)-wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Farotoon ayaa amar ka soo saaray caleemo saarka madax dhaqameedka cusub iyo caaqilka cusub.

Wareegto uu wasiirku shalay soo saaray ayaa lagu sheegay in aan caleemo saar dambe la samayn Karin, waxaana qoraalkaasi lagu sheegay in dib u eegis iyo nidaamiye hawlaha madax dhaqameedka gacanta lagu hayo.

Wareegtadda wasiir Farotoon oo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Sidaad la socotaan waxa wasaaraddu hore usoo saartay wareegto joojin ah oo la xidhiidha caleemo saarka madax dhaqameedka cusub, haday tahay suldaan, iyo haday tahay caaqilba hadaba iyadoo wasaaraddu ku hawlantahay dib u eegis iyo nidaaminta hawlaha madax dhaqameedka waxa la idin farayaa in aan la ogolaan caleemo saarka madax dhaqameedka cusub, oo aan ogolaansho ka haysan wasiirka wasaarada arrimaha gudaha, sidoo kale waa in la hakiyo cid kasta oo ku hawlan caleemo saarka madax dhaqameedka cusub illaa amar dambe ka soo baxayo, wasaarada arrimaha gudaha, wasiirka arrimaha gudaha Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Farotoon).”      

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.